DEG-DEG: Xiddig Weyn Oo Jarmal Ah Oo Kufsaday Gabadh Yar Oo Carruur Ah

Advertisements

Xiddig weyn oo u dhashay waddanka Jarmalka ayaa xabsiga loo taxaabay, kaddib markii uu kufsaday gabadh yar oo u dhalatay Spain oo ay ku kulmeen jasiiradda dalxiiska loo tago ee Ibiza.

Booliska Ibiza ayaa  soo qabtay ciyaartoy weyn oo Jarmal ah oo ay da’diisu tahay 25 jir, iyadoo looga shakisan yahay in uu xoogay oo uu kufsaday gabadh yar oo ay da’deedu tahay 18 jir, waxaanu falkani ka dhacay dhismeyaasha xaafadda San Jose ee  Ibiza.

Advertisements

Inanta la kufsaday ayaa loo qaaday cusbitaalka, waxaana la xaqiijiyey in ay arrintaasi xaqiiqo tahay oo uu kufsigu dhacay.

Ciyaartoygan oo aan magaciisa la shaacin iyo qof kale isaguna Jarmal ah ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay Arbacadii oo ahayd markii uu falku dhacay, sida laga soo xigtay booliska oo hadda baadhitaan ku haya kiiskan.

Advertisements

Subaxnimadii hore ee Arbacada ayay boolisku u dhaceen guri looga yeedhay, waxaana baadhitaan kaddib ay soo qabteen laba nin oo uu midkood yahay ciyaaartoy, kuwaas oo hadda loo muddeeyey dhegaysiga dacwaddooda oo ka bilaabmaysa maxkamadda.

Ciyaartoyga falkan loo qabtay ayaa la sheegay in uu dhowaan qandaraas cusub u saxeexay kooxdiisa oo iyadana la qariyey, waxaana kooxdaas lagu sheegay inay ka mid tahay naadiyada ugu guulaha badan Jarmalka, taas oo abuurtay shaki ah inuu ciyaartoygani ka tirsan yahay Bayern Munich.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa yidhi: “Laba nin oo Jarmalka u dhashay ayaa la xidhay kaddib markii ay haweenay booliska u sheegtay in lagu kufsaday Ibiza, walina baadhitaanku wuu socdaa.”

Ciyaartoygan ayaa ka ciyaara horyaalka Bundesliga, waliba naadiyada waaweyn waxaanu ku guuleystay koobab badan inkasta oo ay da’diisu tahay 25 jir.

Advertisements

1 Fekrad

  1. wararkiina iyo qaabka wax u qortaan waa ka soo daraysaan wax aan macno laheyn qaab loo fahmana jirin waaaye

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada