DEG-DEG: Xiddig Si Weyn Loola Xidhiidhinayay Chelsea, Liverpool, Man United Iyo Real Madrid Oo Heshiiska U Kordhiyay Kooxdiisa

Advertisements

In badan oo kamida kooxaha waaweyn ee Yurub oo laga magacaabi karo Real Madrid, Manchester United, Liverpool iyo Chelsea ayaa helaya war aan u fiicnayn kaddib markii ay RB Leipzig haatan shaacisay heshiis kordhin uu u sameeyay xiddigeeda weerarka ee Christopher Nkunku.

Nkunku ayaa xilli ciyaareed weyn kusoo qaatay kooxda ree Germany isaga oo 35 gool iyo 16 caawimo usoo sameeyay 52 kulan oo uu tartamada oo dhan uga soo ciyaaray.

Advertisements

Inuu xilli ciyaareedkii hore mid aan la ilaawi karin u ahaa Nkuku ayay caddayn ugu filantahay inuu kusoo guuleystay abaalmarinta xiddigii sanadka ee horyaalka Bundesliga oo dhan.

Heshiiska uu hataan qalinka ugu duugay Nkunku kooxdiisa ayaa ah mid gaadhsiisan ilaa 2024, qoddobka ugu muhiimsan ee heshiiskan ayaa ah mid farxad gelinaya kooxaha doonayay oo dhigaya in heshiiskiisa kaliya 60 Milyan oo euro lagu jabin karo.

Advertisements

Qoddobka dhigaya in heshiiskiisa lagu jabin karo kaliya 60 Milyan oo euro ayaa ah mid dhaqan galaya xagaaga dambe ee 2023 taas oo ka dhigan inuu ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale sii joogayo Liepzig xilli sidoo kale qandaraaskan cusub mushahar kordhin loogu sameeyay.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada