DEG-DEG: Warkii Ugu Weynaa!! Chelsea Oo Barcelona Hada Wadahadal Kala Bilawday De Jong Iyo Man United Oo Laga Guuray

Advertisements

Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid haatan iyaduna si dhab ah u bilaabatay qaybtii bilaa kaftanka ahayd ee suuqa walow lagu maadsanayay maalmihii hore.

Blues waxay xalay dhammaystireen saxeexa khadka dhexe ee Carney Chukwuemeka oo Aston Villa kaga soo biiray halka ay qarka u saaran yihiin heshiiska daafaca bidix ee Brighton ee Marc Cucurella oo la filayo inay maanta heshiis dhammaystiran la gaadho kooxdiisa.

Advertisements

Haatan saxafiga ugu xog ogaalsan kubadda cagta England ee David Ornstien ayaa sheegaya in Chelsea ay si dhab ah Barcelona wadahadalo ugala gashay saxeexa khadka dhexe ee Frankie De Jong.

De Jong ayaa mudo saddex bilood ku dhaw bartilmaameed u ahaa oo ay daba socotay Manchester United oo xataa heshiiskiisa la meel dhigtay Barcelona.

Advertisements

25 sano jirkaas oo uu Old Trafford ka doonayo tababarihiisii hore ee Erik Ten Hag ayaa ka cago-jiidayay inuu u wareego Old Trafford sababo kala duwan dartood.

Ornstien ayaa haatan sheegaya in Chelsea ay ku rajo weyn tahay inay Barca kala heshiiso saxeexa Frankie iyagoo kaga soo kabanaya dhaawacyo suuqa ka gaadhay qaybihii hore.

Heshiisyada kale ee Blues ay ka shaqaynayaan ayaa ah Jasko Gvardiol iyo Wesley Fofana oo ah daafacyada dhexe ee RB Leipzig iyo Leicester City si lamid ah Denzel Dumfries oo Inter Milan ka tirsan.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada