Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa sii calaamadsatay oo go’aamisay waqtiga ay dhamaystirayso saxeexa xiddiga Barcelona ee Frenkie de Jong, kaas oo tababare Erik ten Hag uu ka dhigtay bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.
Manchester United ayaan wali wax ciyaartooyo ah soo iibsanin halka naadiyada kale ee Premier League ee Manchester City, Liverpool, Arsenal iyo Tottenham ay waqti horeba ciyaartooyo badan kusoo kordhiyeen safafkooda.
United ayaa lagaga adkaaday dhawr ciyaartoy oo ay saxeexyadooda raadinayeen, hase yeeshee waxay haatan u dhow yihiin in Frenkie de Jong ay la gaadhaan heshiis iyagoo dhinaca kalena ogolaaday inay bixiyaan lacagta ay kooxda reer Spain ee Barcelona ku xidhay laacibkan.
Hore waxa Red Devils loogu diiday dalab £51.3 milyan oo Gini ahaa oo ay Barcelona u gudbiyeen, waxayse hadda sare u qaadeen lacagtaas oo ay gaadhsiiyeen heerkii ay dalbanaysay Blaugrana oo ah £68 milyan oo Gini.
𝗕𝗥𝗘𝗔𝗞𝗜𝗡𝗚: Manchester United are aiming to complete the signing of Barcelona midfielder Frenkie de Jong by June 30.
United are close to agreeing a fee in the region of £68m for the Dutch international.
– talkSPORT sources understand
📲 Listen ☞ https://t.co/VJgUHnqdM1 pic.twitter.com/3g6rSbVq0R
— talkSPORT (@talkSPORT) June 26, 2022
Sida ay sheegtay warbaahinta talkSPORT, Manchester United ayaa waqti kama dambays ah u qabatay dhamaystirka heshiiska De Jong oo uu qorshuhu yahay inay bixiyaan £68 milyan oo Gini, halka Barcelona ay iyaduna doonayso inay United kusoo kordhiso £5 milyan oo kale.
Manchester United ayaa u go’aamisay saxeexa Frenkie de Jong marka ay taariikhdu tahay June 30 ama afar maalmood kaddib, halkaas ayaanay taageereyaashu ka ogaan doonaan haddii ay Red Devils ku guuleysan karayso ciyaartoydii bartilmaameedka weyn u ahaa iyo haddii uu suuqoodu fashil yahay.
De Jong ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu kooxdiisa Barcelona iyo xulkiisa Netherlands u saftay isugeyn 60 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaana si weyn ula dhacsan Frenkie de Jong oo tababare ugu soo noqday Ajax, horyaalka dalkaasna ay ku wada guuleysteen sannadkii 2019 oo ay sidoo kalena meelo dambe yimaaddeen Champions League.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora