DEG DEG: Vincent Kompany Oo Tababare Ka Noqonaya Ingariiska

Advertisements

Kooxda reer Belgium Anderlecht ayaa goor dhow si rasmi ah u shaacisay inuu kooxda ka tagay tababare Vincent Kompany kaasoo ku jeeda dalka Ingariiska oo uu tababare ka noqonayo.

Halyeeyga Manchester City oo shaqadiisii ugu horeysay ee tababarenimo ka bilaabay dalkiisa Belgium ayaa haatan doonaya inuu isku tijaabiyo kubada cagta Ingariiska.

Advertisements

Kompany wuxuu aad ugu dhow yahay inuu tababare u noqdo kooxda xilli ciyaareedkan u dhacday heerka labaad ee Burnley kuwaasoo u baahan tababare cusub oo dib ugu soo celiya Premier League.

Vincent Kompany ayaana u arka inay u tahay tartan cusub inuu awoodiisa tababarenimo ku tijaabiyo xilli ciyaareedka soo socda horyaalka heerka labaad ee Ingariiska islamarkaana ka caawiyo Burnley inay ku soo noqdaan Premier League.

Advertisements

Burnley ayaa maalintii ugu danbeysay xilli ciyaareedka Premier League xaqiijisatay inay u dhacday heerka labaad ka dib guuldaradii ka soo gaartay Newcastle iyo guushii ay Leeds ka gaartay Brentford.

Burnley ayaa bartamihii xilli ciyaareedka iska ceyrisay tababarahoodii mudada dheer Sean Dyche waxayna noqotay go’aan ay ka qoomameeyaan madaama tababarihii bedelay uu ka badbaadin waayay inay u dhacaan heerka labaad.

Xaaska Kompany oo lagu magacaabo Carla ayaa ka soo jeeda Manchester taasoo la micno ah in ku soo laabashadiisa waqooyi Galbeed inay soo jiidaneyso qoyskiisa.

Daaficii hore ee Belgium ayaa tababare u noqday Anderlecht sannadkii 2019 ka dib 11 sannadood uu joogay City halkaasoo uu kula guuleystay 10 koob oo afar ka mid ah ay ahaayeen Premier League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada