DEG DEG: Neymar Oo Go’aan Cad Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Paris Saint-Germain Xilli Suuqa Kala Iibsiga La Soo Dhigay

Advertisements

Tan iyo markii ay PSG qandaraas cusub oo qaali ah ka saxiixday Kylian Mbappe waxaa si weyn la isla dhexmarayaa in PSG ay iska iibineyso weeraryahanka reer Brazil Neymar.

Neymar oo adduun lacageed oo gaaraya 198 milyan ginni uga soo wareegay Barcelona ayaa haatan u muuqda mid aan muhiim ka aheyn kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska iyadoo doorkaas uu kala wareegay Mbappe.

Advertisements

Wargeyska L’Equipe ayaa qoray maanta in PSG ay suuqa kala iibsiga soo dhigtay xiddiga reer Brazil iyagoo raadinaya koox u soo celisa lacagtii uga baxday saxiixiisa islamarkaana bixin karta mushaharkiisa qaaliga ah.

Kooxda kaliya ee bixin karta lacagta Neymar waxaa lagu sheegay inay tahay kooxda Newcastle ee horyaalka Premier League oo ay dhawaan iibsadeen dowlada Sacuudiga.

Advertisements

Si kastaba, Neymar oo u waramayay kanaalka OhMyGoal ayaa shaaca ka qaaday in dhankiisa uu doonayo inuu ku sii negaado PSG oo uusan dooneynin inuu koox kale ku biiro xagaagan.

“Waxaa run ah in dhankeyga aan doonayo inaan sii joogo Paris Saint-Germain” ayuu yiri Neymar.

“Wixii intaas ka soo hara, ma jirto cid wax ii sheegtay aniga.

“Dhankeyga waa wax cad inaan doonayo inuu sii joogo PSG” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay xiddiga reer Brazil.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada