DEG-DEG: Manchester United Oo Saacadaha Soo Socda Shaacinaysa Tababaraheeda Cusub – Zidane, Pochettinino, Mise …”

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa saacadaha soo socda shaacin doonta tababaraheeda cusub ee hoggaamin doona illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, kaas oo beddelaya Ole Gunnar Solskjaer oo Axaddii shaqada laga caydhiyey.

Manchester United ayaa tababareyaal badan lala xidhiidhinayay, waxaana markii hore ay diiradda saartay Zinedine Zidane, Mauricio Pochettino iyo Brendan Rodgers, hase yeeshee waxay ku qaadatay waqti badan inay qanciyaan amaba helitaankooda oo adkaatay.

Advertisements

Xilli ciyaareedkan badhtamaha ku dhow ayay tababareyaasha caanka ahi ka cudur-daarteen inay qabtaan Manchester United iyadoo qaarkoodna ay naadiyo kala gacanta ku hayaan waqtigan.

Red Devils ayaa maalmihii ugu dambeeyey la sheegay inay wada-hadallo la yeelatay Brendan Rodgers iyo Maurico Pochettino oo ah macallimiinta Leicester City iyo PSG, kuwaas oo ugu dambayn sheegay inay waqtigan kaliya ku egyihiin shaqadooda naadiyada ay gacanta ku hayaan.

Advertisements

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Manchester United ayaa heshiis buuxa la gaadhay tababaraha reer Germany ee Ralf Rangnick oo saacadaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono inuu yahay tababaraha kooxda maamuli doona illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ralf Rangnick oo ay da’diisu tahay 63 jir ayay Manchester United la gashay heshiis lix bilood ah oo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan, taas oo soo afjaraysa toddobaad ay Red Devils dedaal badan ku bixiyeen sidii ay u heli lahaayeen macallin u beddela Solskjaer.

Heshiiska Manchester United ay la gashay Rangnick ayaa waxa uu dhigayaa in lix bilood oo ka bilaabmaya toddobaadkan uu hoggaamiyo kooxda, kaddibna waxa uu Old Trafford sii joogi doonaa laba sannadood oo kale oo uu ka hayn doono xil lataliyenimo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA