DEG DEG: Man City Oo Saxiix Kale Oo Weyn Sameysay, Xiddig Ingariis Ah Oo Premier League Ka Ciyaara Ayay La Soo Wareegeen

Advertisements

Manchester City ayaa heshiis kala gaartay kooxda Leeds United saxiixa xiddiga khadka dhexe Kalvin Philips.

Xiddiga Ingariiska Phillips ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Manchester City iyadoo kooxaha Man City iyo Leeds ay iyaguna heshiis gaareen.

Advertisements

Manchester City ayaa bixineysa 42 milyan ginni oo kaash ah iyo 3 milyan ginni oo dheeri ah oo ku xiran qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.

Phillips ayaa ahaa xiddiga khadka dhexe ee diirada u saarnaa Manchester City xagaagan iyadoo City ay saxiixaan muhiimada gaar ah siiyay markii ay dhameystireen saxiixii Erling Haaland oo ka soo wareegay Borussia Dortmund todobaadkii hore.

Advertisements

Leeds ayaa maer sii horeysay aqbashay inay weyneyso Phillips ka dib markii ay City shaacisay inay xiiseyneyso xiddigaan.

26 jirkaan ayaa haatan ku maqan fasaxa xagaaga, waxaana ala filayay inuu tababarka Leeds ku laaban doono 4ta July laakiin haatan waxay u muuqataa inuu todobaadka soo socda si rasmi ah ugu wareegayo Etihad Stadium.

Phillips ayaa ka soo baxay akadeemiga Leeds, waxaana uu horumar sameeyay intii uu ka hoos ciyaarayay tababarihii hore ee Leeds Marcelo Bielsa, iyadoo qandaraaskiisa Leeds ay uga harsaneyd labo sannadood.

Wuxuu xiiseynayay inuu ku biiro City tan iyo markii ay soo baxday inay kooxda heysata horyaalka Ingariiska ay xiiseyneyso. Wuxuu doonayaa inuu ka dheelo Champions League islamarkaana ka mid noqdo xiddigaha xulka England ee Koobka Adduunka.

Leeds ayaa durbaba la soo saxiixatay bedelkiisa xagaagan iyagoo Marc Roca kala soo wareegay kooxda Bayern Munich.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada