DEG DEG: Liiska Dhameystiran Ee Xulka England Oo La Magacaabay – Xiddigo Liverpool Iyo Man United Ah Oo Laga Soo Tagay

messi
Advertisements

Gareth Southgate ayaa shaaciyay ciyaartoyda xulka England ee ciyaareysa bisha October kulamada isreebreebka Koobka Adduunka iyadoo laga soo tagay Trent Alexander-Arnold iyo Mason Greenwood.

England ayaa hogaamineysa Group I, waxayna u dhawaan karaan u soo bixitaanka Koobka Adduunka ee sannadka danbe lagu qabanayo Qatar iyagoo u safraya Andorra islamarkaana martigelinaya Hungary.

Advertisements

messi

Daafaca midig Alexander-Arnold oo khadka dhexe laga ciyaarsiiyay kulankii Andorra ee bishaan September ayaa la filayaa inuu seego kulanka Premier League ee ay Liverpool la ciyaareyso Manchester City Axada ka dib dhaawac ka soo gaaray gumaarka, wuxuuna waqtiga ciyaaraha caalamiga ku mashquuli doonaa soo kabsasho.

Dhanka kale, Greenwood ayaa laga reebay xulka England ka dib markii ay sidaas codsadeen madaxda Manchester United, kuwaasoo doonaya inay da’ yarkaan haatan ka ilaaliyaan diirada xuka qaranka.

Advertisements

Dhanka kale, daafaca AC Milan Fikayo Tomori ayaa dib loogu soo yeeray xulka halka daafaca dhexe ee Man United Harry Maguire uu dhaawac ku maqan yahay.

Waxaa iyagana dib loogu soo yeeray weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins iyo xiddiga taamka noqday ee Manchester City Phil Foden.

Goolhayaha Arsenal Aaron Ramsdale ayaa booska ka galay goolhaye Burnley Nick Pope.

Xulka England Ee La Magacaabay:

Goolhayayaal: Sam Johnstone (West Brom), Jordan Pickford ( Everton ), Aaron Ramsdale (Arsenal)

Daafacyo: Conor Coady ( Wolves ), Reece James ( Chelsea ), Tyrone Mings (Aston Villa), Luke Shaw (Manchester United), John Stones (Manchester City), Kieran Tripper (Atletico Madrid), Kyle Walker (Manchester City), Fikayo Tomori (Milan)

Khad Dhexe: Jordan Henderson ( Liverpool ), Jesse Lingard (Manchester United), Mason Mount (Chelsea), Kalvin Phillips (Leeds United), Declan Rice ( West Ham ), Phil Foden (Man City)

Weerar: Jack Grealish (Manchester City), Harry Kane ( Tottenham ), Bukayo Saka (Arsenal), Jadon Sancho (Manchester United), Raheem Sterling (Manchester City), Ollie Watkins

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA