DEG-DEG: Lewandowski Oo 3aad Ka Galay Ballon d’Or, Xiddiga 2aad Cidhiidhsaday Iyo Guuleystaha Rikoodhka Dhigay

Advertisements

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa kaalinta saddexaad ka galay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or ee Isniinta la bixinayo, waxaana ka hormaray laba ciyaartoy oo kale.

Lewandowski oo sannadkii hore nasiib-darro kaga dhacday hanashada Ballon d’Or oo uu ahaa ciyaartoyga ugu cadcad laakiin France Football ay joojisay bixinta abaal-marinta sabab la xidhiidha masuubadii Fayraska Korona ee adduunyada gilgishay, ayaa sannadkanna ka baxay saaxadda.

Advertisements

Rajo kasta oo uu Lewandowski ku lahaa hanashada Ballon d’Or ayaa hadda gabaabsi noqonaysa mar haddii uu sannadkan iyo midkii ka horreeyey ku guul-darraystay inuu helo, sababtoo ah, da’diisa sii weynaanaysa ayaa yaraynaysa fursadihiisa inkasta oo xilli ciyaareedkan socdaba uu wacdaro dhigayo oo wali aanu quus ka joogin.

Sannadkan aynu ku jirno ee 2021, waxa uu Lewandowski jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta horyaalka Bundesliga ee Gerard Muller u xidhnaa tobannaanka sannadood kaas oo ahaa in hal xilli-ciyaareed uu dhaliyey 40 gool, kaas oo uu Lewandowski dhaafay xilli ciyaareedkii hore.

Advertisements

Xilli ciyaareedkan socda ayaa uu halkiisa kasii wataa rikoodhka gool-dhalinta ee cajiibka ah. 33 jirkan ayaa dhaliyey 25 gool 19 ciyaarood gudahood.

Advertisements

Si kastaba, wariyaha reer Spain ee Josep Pedrerol ayaa soo bandhigay laba ka mid  ah saddexda ciyaartoy ee ugu horreeya Ballon d’Or iyadoo codbixintuna usbuucii hore soo xidhantay.

Josep Pedrerol oo ka mid ahaa saxafiyiinta codkooda ka dhiibanayay xiddignimada sannadka, waxa uu sheegay in weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema uu ku guuleystay kaalinta labaad ee Ballon d’Or, halka Lewandowski uu saddexaad u dhacay.

Ballon dOR 3

Karim Benzema ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku jira, waxaana 12 ciyaarood oo horyaalka ah uu shabaqa taabsiiyey 10 gool xilli ciyaareedkan socda, halka uu fasalkii horena bandhig heersare  ah muujiyey, taas oo keentay in lagu soo celiyo xulka qaranka France.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa uu Josep Pedrerol shaaciyey inuu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, taas oo noqonaysa markiisii toddobaad ee uu hanto.

Messi ayaa bishii July xulka dalkiisa Argentina u qaaday Copa America, halka Barcelona uu ka caawiyey Copa del Rey, kuna soo guuleystay gool-dhalinta horyaalka LaLiga.

Akhriste, Miyey kula tahay in Lionel Messi yahay xiddiga ugu habboon ee ku guuleysan lahaa abaal-marinta Ballon d’Or sannadkan, mise waxa jira ciyaartoy kale oo kaga habboon?

Fikirkaaga nala wadaag.

24 Fekradood

    • Ani ahaan ma aqaano sabab loo siyo
      Karim Benzema sababtoo ah waxba kuma guuleysan
      goal badan citaa ma dhalin
      kaalinta kowaad waxaa leh robert lewondowsk
      haddaan la siin waa in la siyaa leo messi
      hadaysan noqon waa in la siiyaa Mohamed Salah

  1. Bolon door hadii lakuqaadayo koop waxa uu udhexeeyaa Kevin debruyne mancity ah iyo goginho oo Chelsea ah iyo lewondewski oo bayern ah hadii gool dhalin laku qaadayo lewondewski Cid kula tartami karto majirto asaa xaq uyeelanaayo taakeere mancity an ahay gorginho Chelsea wax kamudan mahaayo chapmions Euro uefa champions

  2. Wa cadaalad daro tii ugu waynayd lkn in lewandowski laga musuqmaasuqayo waan oga
    Messi xili ciyaareedkii hore xili coyaareed kaga xun muu so Marin kaalinta aniga ahaan
    1 lewandowski
    2 jorginho
    3 Kante /Messi / Ronaldo/ Salah / kdb/

  3. Horta gaalo iyo cadaalad way kala dheertahay lewandowski ayaa xaq uleh marka ilaahay laga cabsanayo ee daacad loo hadlayo marka taageere loo hadlayo messi baa leh takale sanadkii hore dib recordska ha loo baadho taasna lewandowski baa lahaa ninkaas Poland u dhashay xaqiisa ha lasiiyo
    Kolay gaalo cadaalad habaar baa kaga dhacaye sanadkii tuugnimaa dhacday lewandowski waa inuu dacweeyaa France
    Football ⚽️

  4. Xaqiiqda ah messi inuu wax walba u qalmay inuu sameeyey copa amrica iyo goal dhalin +assitigi koopkas lagu daray copa daralay iyo goal dhinti horyaalka
    Laakiin roberto luwenduwesk waa u qalamay in ka badan inta uu benzema mxaa looga hormayey waa su ,aal buterto waa inuu ka tagaa byern tagaa barce ama madrid haduu u donayo abalmarintan inu ku guulaysto wayo barce iyo real awood bay ku leeyihin xukumda ku uefa

  5. Messi sabab uu xidignimada ku qaato magaranayo anigu waa cadaalad daradii ugu waynayd haday dhacdo arintaasi wax uuqabtayna ma jirto umana qalmo Bancema ama lowendiski ama joorjiniyo ayaa uqalma boqol jeer

    • Maxad banzema kala so dontay hadii ad cadalad ka hadleyso najipow mise real o ad taagero u tahay bu u dheela gool dhalin laligah ma qaadin o Messi ba qaaday cup haba sheegin halka Messi 2 kooba Midkood heer caalami yahay qaaday hhhh War anaga yab aragnay dadku ma taagero bey ka hadlayan

  6. Ma gaalo ayaa ilaahay Ka baq garan nio Dee orodoo lewandowski garaac anaa namberkiisa Ku siinee oo Ku dhe dacwee😂😂

  7. War benzema iyo messi xgeeee loo wadaaa aaway wiilkii CHELSEA iyo Italy
    Cadaalad ma jirto runtii
    Ballon D’OR.waa champion iyo garanka

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada