Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa markii ugu horreysay ka hadlay in kooxdiisa Real Madrid ay ku guul-darraysatay saxeexa Kylian Mbappe oo Sabtidii shaaciyey inuu heshiis saddex sannadood ah u saxeexay Paris Saint-Germain oo uu sii joogayo.
Karim Benzema ayaa muddo dheer u gacan-haadinayay laacibkan oo uu doonayay inay ku midoobaan Santiago Bernabeu, waxaana la rumaysan yahay inay hore iskula soo qaadeen arrintaas oo ay isku ogaayeen in xilli ciyaareedka dambe ay iska garab ciyaaraan, si iyagoo isasii ciyaar fahmay ay u tagaan Koobka Adduunka.
Kylian Mbappe ayaa qirtay inay Real Madrid wada-hadleen, waxaana markii uu go’aankiisa kama dambaysta ah gaadhay uu telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo uu u sheegay inuu go’aansaday inuu sii joogo PSG.
Benzema oo la fahamsan yahay inay saaxiibtinimo qoto-dheer ka dhaxayso Kylian Mbappe ayaa waxa markii uu Mbappe go’aankiisa gaadhay uu sameeyey fal-celin loo qaatay inuu ku darayo da’yarkan ay isku waddanka yihiin ee Mbappe, isaga oo bartiisa bulshada soo dhigay calaamadda Real Madrid oo uu farta ku fiiqayo.
Telefishanka Movistar + ayaa waraysi uu la yeeshay Benzema waxa uu ku weydiiyey, in uu u cadhaysan yahay Kylian Mbappe iyo in kale, waxaanu ku jawaabay: “Maya, uma cadhaysnil, waxaan se doorbidayaa in aanan ka hadal arrintan. Waxa aan diiradda saarayaa Finalka Champions League, in aan sidaa sameeyo ayaana ka muhiimsan inaan waxyaabo kale dhegaysto.
“Waxa aan odhan lahaa, Real Madrid ayaa ciyaaraysa finalka Champions League, waqtigana kama hadlayo waxyaabahan yaryar.”
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora