DEG DEG: Iska Ilow Mbappe, Real Madrid Oo 80 Milyan Kula Soo Wareegtay Xiddig Faransiiska Ka Ciyaara

Advertisements

Warbaahinta dalka Faransiiska ee RMC Sport ayaa goordhow baahisay in Real Madrid iyo Monaco ay heshiis ka gaareen saxiixa xiddiga khadka dhexe Aurelien Tchouameni.

Sida ay RMC Sport baahisay Real Madrid waxay kula wareegeysaa Tchouameni adduun lacageed oo gaaraya 80 milyan euro, waxaana sii dheer lacago kale oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedka ciyaaryahankaan.

Advertisements

Waxay sidoo kale RMC sheegtay in Tchouameni uu u saxiixi doono Los Blancos heshiis shan sannadood ah.

Real Madrid ayaa saxiixa Tchouameni waxay ka dulqaadeysaa Liverpool oo iyagana xiiseynayay xiddiga khadka dhexe.

Advertisements

Tchouameni waxaa loo arkaa inuu yahay bedelka ugu haboon ee Casemiro, waana booska kaliya ee Real Madrid aysan iska xoojinin sannadihii ugu danbeeyay.

Ka dib markii Kylian Mbappe uu iska diiday Real Madrid, madaxweyne Florentino Perez ayaa ku dhaqaaqay inuu xoojiyo kooxdiisa isagoo adeegsanaya lacagtii ay ugu talogaleen xiddiga PSG.

 

Agaasimaha isboortiga Monaco Paul Mitchell ayaa mar sii horeysay sheegay in heshiiska ay ku iibinayaan Tchouameni inuu noqon doono mid adag oo qaali ah.

“Qof walba ayaa arka in Aurelien uu yahay xiddig sarre” ayuu Mitchell u sheegay RMC Sport.

“Daacad haddii aan u hadlo kalama jecli Real Madrid iyo Liverpool. Marka aad ciyaaryahan iibineyso waxaad u baahan tahay inaad ku hesho lacag fiican. Suuqa wuu isbedelayaa sannad walba. Heshiiska wuxuu noqon doonaa mid adag.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada