Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa go’aan ka gaadhay kooxda kubadda cagta Chelea oo bilihii ugu dambeeyey ay xayiraad saarnayd, kaddib markii ay dawladda UK cunoqabayn kusoo rogtay mulkiilaheedii Roman Abramovich.
Chelsea ayaa waxa dhowaan iibsaday maalqabeenka Maraykanka ee Todd Boehly iyo maalqabeenno kale oo £4.25 bilyan oo Gini kagala wareegay Roman Abramovich, hase yeeshee waxa hakad galay iibkaas iyadoo dawladda UK ay shaki gelisay qiimaha lacagta, sidoo kalena aanu ansixin buuxda ka helin maamulka Premier League.
Kaddib toddobaadyo uu Todd Boehly garoonka Stamford Bridge ka daawanayay Chelsea isaga oo ah mulkiile aan wali rasmi noqon, maamulka Premier League ayaa si rasmi ah u ansixiyey iibka uu kula wareegay Chelsea.
Boehly oo 46 jir ah ayay maamulka Premier League isku raaceen in loo ansixiyo iibkiisa, waxaana sidoo kale loo ansixiyey inuu noqdo mulkiilaha rasmiga ah iyo maamulaha kooxdan.
War-saxaafadeed uu Premier League soo saaray ayaa lagu yidhi: “Boodhka maamulka ee Premier League waxa uu maanta ansixiyey la wareegista kooxda kubadda cagta Chelsea ee Todd Boehly iyo shuraakadiisa.
“Iibku waxa uu marayaa nidaamka sharci ee dawladda oo siinaya liisanka iibka iyo dhamaystirka lacagaha iibka.”
Premier League waxa uu xaqiijiyey, in Chelsea ay shuraako ku yihiin shirkadda Clearlake Capital Group, L.p., Todd Boehly, Hansjorg Wyss iyo Mark Walter.
Kaddib ansixinta Premier League, waxay wali u baahanayaan in dawladda UK iyo baarlamaanka Midowga Yurub ay ansixiyaan iibsiga kooxdan, si loo xaqiijiyo inuu si dhab ah faraha ugala baxay Roman Abramovich.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora