DEG-DEG: Chelsea Oo Shaacisay Saxeexa Xiddiga Ay Ka Afduubtay Man City Ee Marc Cucurella

Breaking News
Advertisements

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la saxeexatay difaaca bidix ee reer Spain ee Marc Cucurella oo ay kala soo wareegtay Brighton & Hove Albion, kaas oo ay saxeexiisa ku garaacday Manchester City oo si weyn u doonaysay.

Qoraal kooban oo uu wehelinayo sawirka Marc Cucurella ayay Chelsea soo dhigtay barteeda bulshada ee Twitter-ka, waxaanay ku sheegtay in heshiiska laacibkan la dhamaystiray oo uu hadda laga bilaabo ka tirsan yahay ciyaartoydeeda.

Advertisements

Cucurella

Laacibkan oo tijaabada caafimaadka ku maray Cobham ayaa muuqaal laga duubay isaga oo xidhan garanka kooxdiisa cusub ee Chelsea waxa uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka mid noqdo ciyaartoyda Chelsea, waxaanu farriin u diray taageereyaasha.

24 jirkan oo ay Chelsea kasoo bixisay £52 milyan oo Gini ayaa waxa qoraalka ay Blues ku daabacday barteeda bulshada ay ku tidhi: “Kaddib warar tiro badan oo aya warbaahintu qorayeen toddobaadkan, waxa aanu xaqiijinaynaa in aanu heshiis la gaadhay Brighton & Hove Albion oo aanu la saxeexanay Marc Cucurella.”

Advertisements

Cucurella oo sida ka muuqata sawirka garanka uu ku labbistay ay Blues u xidhay No.12 ayaa waxa isaguna muuqaal uu soo duubay uu ku yidhi: “Nabad taageereyaasha Chelsea, waan ku faraxsanahay in aan halkan joogo, mana sugi karayo inta aynu isku arkayno Stamford Bridge.”

Waraysi kooban oo uu siiyey website-ka Chelsea ayaa uu sidoo kale ku yidhi: “Waan faraxsanahay. Fursad weyn ayay ii tahay in aan kusoo biiro mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida, waxaanan doonayaa in aan si adag u shaqeeyo si aan halkan ugu farxi karo oo aan kooxdana u caawin karo.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada