DEG-DEG: Chelsea Oo Heshiis La Gaadhay Xiddig Weyn Oo Premier League Ka Ciyaara & Lacagta Ay Kula Soo Wareegayaan

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshiis la gaadhay xiddig noqonaya saxeexoodii koowaad ee xagaagan, kaas oo la filayo inuu soo gaadho Stamford Bridge ka hor maalinta Sabtida oo ay Blues safar ugu baxayso waddanka Maraykanka.

Chelsea ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay weeraryahanka reer England ee Raheem Sterling oo ay £50 milyan oo Gini kaga soo iibsanayso Manchester City.

Advertisements

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa ogolaatay inay iibiso Sterling maadaama sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa, isla markaana diiday inuu heshiiska u kordhiyo oo uu sii joogo Etihad Stadium.

27 jirkan ayay Chelsea la gaadhay heshiis shaqsi ah oo soo afjaraya toddoba sannadood oo uu u ciyaarayay Manchester City oo uu markii hore uga soo wareegay Liverpool, waxaana uu noqon doonaa saxeexa koowaad ee Thomas Tuchel uu sameeyo xagaagan.

Advertisements

Saddexda dhinac ayaa la sheegay in ay si wada-jir ah u doonayaan in la dhamaystiro heshiiskan oo aanay jirin wax caqabad ah, isal markaana labada kooxood ay horeba iskula meel dhigeen qiimaha laacibkan, waxaana hadda soo raacday heshiiska shaqsiga ah ee ciyaartoygan iyo Blues.

Chelsea oo Sabtida u duulaysa Los Angeles oo ay tababarro kusoo qaadan doonto sidoo kalena ay kusoo ciyaari doonto kulamo saaxiibtinimo ayaa Khamiista iyo Jimcaha dhamaystiri doonta heshiiska Sterling si uu safarkaas qayb uga noqdo.

Sterling ayaa toddobaadkii mushahar u qaadan doonta £300,000 Gini, waxaana uu buuxin doonaa booskii uu banneeyey Romelu Lukaku oo dib ugu laabtay Inter Milan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada