DEG-DEG: Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Cristiano Ronaldo & Lacagta Ay Dul-dhigtay Oo La Shaaciyey

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalab ka gudbisay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo dalbaday inay iibiyo Manchester United xagaagan, isla markaana maalintii afraad ka maqan tababarka kooxdiisa oo uu ku qasbayo inay fasaxaan amaba iibiyaan bishan July.

Ronaldo oo ay 12 bilood ka hadhsan yihiin heshiiskiisa Manchester United oo uu xagaagii hore dib ugu soo laabtay ayaa qaatay go’aan ah inuu iskaga tago Old Trafford, waxaana hadda dalabkii koowaad kasoo gudbisay Chelsea oo noqotay naadigii ugu horreeyey ee soo dalbada.

Advertisements

Chelsea oo xalay heshiis shaqsi ah la gaadhay Raheem Sterling oo ay lacag u dhaxaysa £45 milyan oo Gini illaa £50 milyan oo Gini ay kaga soo iibsanayso Manchester United ayaa maanta gudbisay dalabka Cristiano Ronaldo oo ay dul-dhigtay lacag ka badan intii ay Man United kaga soo iibsatay Juventus xagaagii hore.

Wariyaha caanka ah ee Peter O’Rourke ayaa sheegay in Chelsea ay u gudbisay Manchester United dalab xambaarsan £14 milyan oo Gini oo ay kaga doonayso 37 jirkan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Advertisements

Peter O’Rourke waxa uu intaa ku daray, in Manchester United ay hadda qiranayso inay hadda luminayso Ronaldo oo ay ogolaanayaan inay iska fasaxaan mar haddii uu qaatay go’aanka ah inuu iska tago.

Isniintii ayuu mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly uu la kulmay wakiilka Ronaldo, waxaana la rumaysan yahay inay ka wada hadleen sidii uu laacibkani u tegi lahaa Stamford Bridge.

Sannadkii hore ee 2021 ayay Manchester United lacag gaadhaysa £12.5 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Juventus, laakiin lacagtaas ayaa markii dambe gaadhay £19.7 milyan oo Gini maadaama uu ciyaaray in ka badan 30 kulan oo dhamaan tartamada ah, isla markaana dhaliyey 24 gool.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada