DEG-DEG: Chelsea Oo Dalab Culus Ka Gudbisay Frenkie de Jong Iyo Manchester United Oo Quusatay

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalab weyn ka gudbisay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelone ee Frenkie de Jong oo uu si weyn u doonayo Thomas Tuchel iyadoo horena ay tartanka ugu jirtay Manchester United oo muddo dheer uu u ahaa bartilmaameedka koowaad ee xagaagan.

Chelsea ayaa u bandhigtay Barcelona lacag gaadhaysa £59 milyan oo Gini iyo difaaca bidix ee reer Spain ee Marcos Alonso oo wada socda, iyadoo la ogaa in Barca ay si weyn u doonaysay difaacan bidix.

Advertisements

Blues ayaa hadda u muuqata inay meesha ka tuurtay Manchester United oo hore u gudbisay dalab £72 milyan oo Gini ah laakiin uu diiday Frenkie de Jong in uu tago maadaama aanay kasoo qayb-gelaynin Champions League.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Chelsea ayaa Man United ka afduubanaysa De Jong, waxaanay Barcelona gaadhsiisay dalab xambaarsan £59 milyan oo Gini iyo Marcos Alonso, waxaanay hadda sugayaan in Barcelona ay aqbasho dalabkaas.

Advertisements

Sida uu warku sheegay, Chelsea ayaa rajaynaysa in toddobaadkan gudihiisa ay dhamaystiri doonto saxeexa Frenkie de Jong si uu kulanka labaad ee horyaalka Premier League ee ay toddobaadka dambe la ciyaarayso Tottenham uu uga soo muuqan karo.

Warkan ayaa imanaya iyadoo Barcelona la sheegayo inay heshiis la gaadhay Marcos Alonso oo lacag gaadhaysa 10 milyan oo Euro ay Barca kaga iibsanayso Chelsea kaddib markii ay Blues shalay la saxeexatay Marc Cucurella.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada