Waxa soo baxay muuqaal muujinaya hab-dhaqankii tababaraha kooxda Crystal Palace ee Patrick Vieira ee kulankii ay xalay guuldarrada kala soo kulmeen Everton oo ay marti ugu ahaayeen Goodison Park.
Kooxda ree London oo marti ku ahayd gobolka Merseyside ayaa 2-0 ku hormartay balse qaybtii dambe ayay Toffees saddex gool ku dhammaystireen guul soo laabasho ah.
Isla markii uu goolka saddexaad ee u xaqiijiyay guusha ay kaga badbaadeen inay Premier League ka dhaadhacaan dhaliyay Dominic Calvert-Lewin ayay taageerayaasha Everton kusoo jabeen garoonka iyaga oo farxad is-hayn waayay kahor inta aan la dareerin si kulanka loo dhammaystiro.
Taageeraha Everton ee kamidka ahaa kuwa garoonka soo galay ayaa isku dayaya inuu dhibo Vieira isaga oo hor istaagay isla markaana farta-dhexe u taagay taas oo qasabtay in tababaraha Palace uu falcelin deg-deg ah sameeyo isaga oo laag la dhacaya dhulkana ugu tuuraya.
Vieira oo kulanka kaddib wax laga weydiiyay dhacdadaas iyo sida ay wax noqdeen ayaa ku jawaabay “Ma hayo wax aan ka idhaahdo arrintaas”.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka
Patrick Vieira kicking an Everton fan to the ground 🤣🤣🤣 pic.twitter.com/p6fVvYnzTd
— Breezy (@UtdBreezy) May 19, 2022
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora