Daawo Wixii Ku Dhacay Taageero Isku Dayay Inuu Maaliyada Ka Qaato Cristiano Ronaldo Kulankii Xalay

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa waxaa si lama filaan ah u ceyrsaday taageere waalan, iyadoo mid ka mid ah waardiyayaasha garoonka ee ceyrsanayay taageerahaan uu ku dhawaaday inuu taakal ku qabtay xiddigii guusha u keenay Manchester United.

Ronaldo ayaa dhamaadkii ciyaartii xalay ee Champions League wuxuu seddexda dhibcood u xaqiijiyay Manchester United ka dib kubad uu madaxa ku dhaliyay.

Advertisements

Ka dib ciyaarta, taageere ayaa orod ku soo galay garoonka isagoo u muuqday inuu doonayay maaliyada xiddiga reer Portugal.

Advertisements

Laakiin waardiyayaasha garoonka ayaa ka celiyay inuu u dhawaado weeraryahanka Manchester United, halka mid ka mid ah waardiyayaasha uu ku dhawaaday inuu taakal ku qabto Ronaldo ka dib markii uu sibxaday.

Taageeraha ayaa ka nixiyay xiddiga reer Portugal oo war moog u ahaa ninka u soo ordaya kaasoo maaliyada ka jiiday Ronaldo oo isna naxdin darteed la booday.

Ronaldo ayaa neef weyn ka fujiyay Ole Gunnar Solskjaer ka dib markii uu dhaliyay goolka guusha xilli Manchester United labo gool looga hormaray qeybtii hore ee ciyaartii Old Trafford.

Labada gool kale ee Manchester United ay dhalisay waxaa u kala saxiixay Marcus Rashford iyo Harry Maguire.

Manchester United waxay Axada martigelin doontaa Liverpool kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Kulankooda xiga ee Champions League waa mid ay u safrayaan kooxda Atalanta 2da bisha November.

Daawo Muuqaalka

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA