Waxa dhawaan soo baxay muuqaal cusub oo baraha bulshada si weyn loo wareejiyay oo muujinaya inuu tababaraha cusub ee Man United ee Erik Ten Hag tababarka kooxdaas ka hirgeliyay hanaanka ciyaareed ee lagu soo bartay.
Tababaraha Dutch-ka ah ayaa dhawaan si rasmi ah ula wareegay shaqada Old Trafford kaddib wakhti guul ah oo uu kusoo qaatay kooxda Ajax, 52 sano jirkaas ayaa doonaya inuu ka hirgeliyo Manchester hab ciyaareedkii soo jiidashada lahaa ee uu Ajax kaga soo yaabsaday Yurub.
Muuqaalka tababarka Man United ee baahay ayaa lala barbardhigay mid kamida tababaradii uu siin jiray Ajax, isbarbardhigaas ayaa muujinaya sida aysan wali xiddigaha Red Devils ula qabsanin oo ay wakhti ugu baahan yihiin falsafada cusub.
Ten Hag ayaa muuqaalka Man United laga dhex maqlayaa isaga oo leh “Lugta midig, lugta bidix” halka sidoo kale uu ku canaananayo erayada ah “Qaladaad badan baa samaynaysaa”.
Mid kamida sababaha uu Ten Hag ula soo saxeexanayo xiddigo uu soo arkay badi hab ciyaareedkooda ayaa ah inuu deg-deg aragtidiisa uga hirgeliyo Old Trafford.
Halkan Ka Daawo Labada Muuqaal Oo Arag Kala Duwanaanshaha
Man United
Erik ten Hag in training: "Making too many mistakes.."
Notice how he's been taking them on one-touch, quick-passing football?
Reminds me when he said "good is not good enough. The intention is to play fantastic football and win".pic.twitter.com/yFNrueetrE
— UtdFaithfuls (@UtdFaithfuls) July 5, 2022
Ajax
This is what Erik ten Hag is trying to do at Man Utd. Watch how his Ajax teams do it and spot the difference. One reason why he wants a few of his former players.
New system so will probably take some time but our players must step up quickly.pic.twitter.com/b6xTV4H9gX
— UtdFaithfuls (@UtdFaithfuls) July 5, 2022
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora