Daafaca Kale Ee Barcelona Doonayso, Weeraryahanka Man United Hawshiisa Bilawday & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Chelsea ayaa Barcelona wadahadalo kala furtay saxeexa khadka dhexe ee Frenkie de Jong oo aad loola xidhiidhinayay. (Athletic – subscription required)

De Jong ayaa doorbidaya inuu Chelsea ku biiro bedelka Manchester United. (Metro)

Advertisements

Chelsea ayaa diyaar u ah inay toddobaadkii 200,000 oo pound mushahar u siiso Wesley Fofana haddii ay Leicester City kala soo wareegaan. (Mail)

Chelsea ayaa u sheegtay Cesar Azpilicueta inaysan doonayn inuu Barcelona ku biiro oo ay khibradiisa waayaan. (Times – subscription required)

Advertisements

Manchester United ayaa wadahadalo hordhac ah RB Leipzig kala yeelatay weeraryahan Benjamin Sesko. (Sky Sports)

Bournemouth ayaa ku dhaw saxeexa goolhayaha Barcelona ee Neto. (Telegraph – subscription required)

Tottenham ayaa kooxda Udinese wadahadalo kala furtay saxeexa daafaca bidix ee Destiny Udogie oo ay amaah ugu celin karto haddii ay kala heshiiso iibkiisa. (Fabrizio Romano)

Dean Henderson dib uguma ciyaari doono Man United kaddib markii uu amaah ugu biiray Nottingham sida uu qabo xiddigii hore ee Tottenham ee Jamie O’Hara. (Talksport)

Nottingham Forest ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahan Jizz Hornkamp oo saxeexoodii 13-aad ee xagaaga noqon doona haddii uu kaga soo biiro Willem II.(Athletic – subscription required)

Chelsea daafaceeda Levi Colwill ayaa ku biiraya Brighton bedelka Marc Cucurella oo isagu Blues usoo wareegayaa. (football.london)

Ivan Perisic ayaa Luka Modric talo weydiistay kahor heshiiskii uu ugu wareegay Tottenham. (Mirror)

Tiro kooxo heerka labaad ee Championship-ka England ah ayaa amaah ku doonaya weeraryahanka 19 sano jirka Man United ee Charlie Savage. (Mail)

Barcelona ayaa doonaysa saxeexa daafaca dhexe ee Athletic Bilbao ee Inigo Martinez oo heshiiskiisa 80 Milyan oo euro lagu jabin karo. (Marca)

Arthur Melo ayaa ku dhaw inuu amaah ugu biiro Valencia iyadoo ka dhignaan karto in Juventus xoojiso xiisaha Jorginho oo Chelsea ka tirsan.(90 Min)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada