Colaadda 60ka Sannadood Jirsatay Ee U Dhaxaysa Real Madrid & Eintracht Frankfurt Ee Lagu Kala Aargoosanayo UEFA Super Cup

Advertisements

Xusuusta iyo colaaddoodu waxay dib ugu noqonayaan May 18, 1960kii, waqtigaas oo ay ku dagaallameen ciyaar final ahayd oo jilbaha ay isku dhigeen Hampden Park oo ku dhamaatay 10 gool oo ay labadoodu kala dhaliyeen.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid oo ku guuleysatay Champions League iyo Eintracht Frankfurt oo hanatay Europa League ayaa fiidka hore ee Arbacada waxay ku ballansan yihiin UEFA Super Cup, waxaanay kooxda Jarmalka ah ka go’an inay ka aargoosato Real Madrid oo ay u hayso colaad dadka intii ogeyd ay badankoodu dhinteen.

Advertisements

Finalkii European Cup ayay labadan kooxood iskugu yimaaddeen sannadkii 1960kii, waxaana 7-3 ku adkaatay Real Madrid iyadoo ciyaartaasna uu wacdaro ka dhigay Alfredo di Stefano oo baal dahab ah kaga suntan taariikhda Real Madrid.

Ciyaartii ku xigtay ee koob ah ayay labada kooxood iskugu imanayaan Arbacada, waxaanay jamaahiirta duqowday dib ugu celinaysaa xilliyo qaali ahaa oo ay labadooduba awood badan lahaayeen, laakiin Madrid ay dhawr koob oo isku xigay oo Yurub ah qaadday.

Advertisements

August 2008 ayay Real Madrid safar ku tagtay Jarmalka oo ay ciyaar saaxiibtinimo kula soo dheeshay Eintratch Frankfurt, waxaanay kusoo kala baxeen barbarro 1-1 ah, balse ma aanay lahayn xamaasad u dhiganta midda hadda oo dib usoo celinaysa xusuuso hore.

Tababaraha Eintracht ee Oliver Grasner ayaa la weydiiyey haddii ay kooxdiisu dhiiranaan dheeraad ah ka heli doonto xasuuqii 7-3 ahaa ee ay Real Madrid u geysatay sannadkii 1960kii oo ay isku dayi doonaan inay aargoostaan, waxaanu ku jawaabay: “Taariikho badan ayaa uga dambeeyey Eintratcht Frankfurt waqtigaas.

“Ciyaartoydayada way u noqon kartaa dhiirigelin iyo taageereyaasha garoonka jooga ee taageeraya. Waxay sidoo kale noqonaysaa ciyaar nooga dhigan ku celis, iyo sidoo kale fursad aanu ugu guuleysan karno koobkayagii labaad oo Yurub ah sannadkan.”

Grasner ayaa sidoo kale kalsooni badan ka muujiyey fursadda ay kooxdiisu u haysato inay ku garaacdo Real Madrid, waxaanu yidhi: “Wax badan ayaan ka rajaynayaa ka hor imaatinka Real Madrid.

“Wali aniga oo tababare ah kama aanan hor imanin Carlo Ancelotti, Real Madridna waxay ka mid tahay kooxaha ugu wanaagsan ee ugu taariikhda weyn kubadda cagta, waxay ku guuleysteen shan Champions League sannadihii u dambeeyey.

“Waxa aanu doonaynaa in aanu isku diyaarino si aanu u helno fursad kasta oo aanu ugu guuleysan karayno ciyaartan.”

Advertisements

1 Fekrad

  1. War Ma Waalan Tahay Waqtigan Anaga Xoriyada Ayan Halgankeeda Ku Jirnay Qof Somali Xataa Ciyaara Ma Dawanayn Hadu Jirana Wa Mid Waalna Ama Jasuus Aha Ee Taariqda 1960 Hadayba Ku Istaagto Hanoso Shegin

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada