Ciyaartii Marseille iyo Galatasaray Ee Europa League Oo La Joojiyey Xilli Taageereyaashu Gacmaha Iskula Tageen

Advertisements

Ciyaar u dhaxaysay labada kooxood ee Marseille iyo Galatasaray ayaa si ku-meelgaadh ah loo joojiyey kaddib markii ay taageereyaasha labada dhinac isku dhaceen, garoonkuna  isku rogay madal lagu dagaallamayo.

Walxo ololaya ayaa ayay taageereyaasha labada dhinac kala fadhiyey isku tuureen, waxaana garoonka soo galay ciidamada ka  hor taga rabshada oo kala  dhex istaagay si looga baaqsado inay dhibaato weyni dhacdo.

Advertisements

1 JS246649608

Arrintan ayaa sababtay in ciyaarta la hakiyo dhamaadka qaybta hore, waxaana muddo sagaal daqiiqadood ah lagu jiray xaalad qas ah oo ay ciyaartoyda labada kooxood na garoonka dhexdiisa ka  daawanayeen waxa dhacayay.

Tababaraha kooxda Galasaray ee Fatih Terim iyo kabtanka kooxdaas ee Fernando Muslera ayaa isku dayey inay la hadlaan taageereyaasha si ay u joojiyaan dagaalka, waxaana ku wehelinayay kabtan ku-xigeenka Marseille ee Dimitri Payet.

Garsooraha reer Poland ee Pawel Raczkowski ayaa afuufay siidhiga daqiiqaddii 37aad isla markaana joojiyey ciyaarta, balse sagaal daqiiqadood kaddib ayaa dib loo bilaabay.

Advertisements

Walxaha la tuurayay oo ay qaarkood kusoo dhaceen gudaha garoonka, ayaa waxa ururiyey oo ka qaaday booliska.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa waxa xilli ciyaareedkan ay kusoo noqnoqonayaan Faransiiska, waxaana 22kii August sidan oo kale iskugu dhacay taageereyaasha Marseille iyo Nice, taas oo keentay in ciyaartaas lagu kala dareero.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA