Muxuu Luis Suarez Ka Yidhi In Kooxdiisa Atletico Madrid Ay Isku Dhaceen Manchester United?

Suarez
Advertisements

Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa ka hadlay isku-aadka wareegga 16ka Champions League ee ay kooxdiisa Atletico Madrid ku beegantay Manchester United, taas oo waqtiyo badan uu kula soo dagaallamay garoomada xilligii uu joogay Liverpool.

United oo hadda kaalinta shanaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa nasiibkeedu ka badbaadiyey PSG oo ay si qaldan iskugu dhaceen, waxaana ku celintii isku-aadka ee lagu saxay qaladka hore ay haddana isku beegmeen Atletico Madrid.

Advertisements

Diego Simeone ayay kooxdiisu isku-aadka qaldamay wada ciyaari lahaayeen Bayern Munich, laakiin waxay markii dambe xaqiiqsadeen in Old Trafford ay tegi doonaan.

Luis Suarez oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha in wareegga 16ka ay wada ciyaari doonaan Manchester United ayaa yidhi: “Waan arkay isku-aadka labaad. Si aad ugu guuleysato Champions Lague na, waa in aad garaacdo kooxaha ugu wanaagsan.

Advertisements

“Man United waa mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan. Waxa aanu ku tegi kartaa wareegga xiga sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah.”

Atletico Madrid ayaa xilli ciyaareedkan ay awooddeedu hoos u dhacday, waxaanay si adag ugu soo dagaallantay inay usoo gudubto wareegga 16ka Champions League kaddib markii ay ciyaartii ugu dambaysay ka adkaadeen FC Porto.

Horyaalka LaLiga ayaa ay sidoo kale hoos u dhac weyn ka muujinayaan, waxaanay 13 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hoggaanka haysa ee Real Madrid, iyadoo ciyaartoodii ugu dambaysay ee Madrid derby lagu burburiyey 2-0.

Advertisements

1 Fekrad

  1. Waxay ahayd inaad dhahaan Atletico ayaa ka badbaaday Bayern München ee maaha ta ka badbaaday Psg Man utd…

    Carabta waxooda waxba kama Biriaan hore na way Isu arkren labadan kooxood mana kala awood badna

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada