Chelsea Oo Rekoodhkii Man United Jabin Karta, Saxeexa Barcelona Qarka U Saaran Tahay & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Tottenham ayaa qorshaynaysa inay toddobaadkan dhammaystirto saxeexa daafaca bidix ee Destiny Udogie oo Udinese kaga imanaya. (Fabrizio Romano)

Barcelona ayaa Chelsea wadahadalo kagala jirta daafaca bidix ee Marcos Alonso isla markaana ku kalsoon inay heshiis la gaadhayso. (90min)

Advertisements

Alonso ayaa macasalaameeyay asxaabtiisa Chelsea isaga oo ku wajahan Barcelona. (Mail)

Crystal Palace ayaa xiisaynaysa inay Aaron Wan-Bissaka dib ugala wareegto Manchester United. (Sky Sports)

Advertisements

Everton aya West Ham ku garaacaysa saxeexa 20 sano jirka khadka dhexe ee Amadou Onana oo kaga imanaya Lille. (Mirror)

Chelsea ayay tahay inay jabiso rekoodhka daafaca suuqa ee Harry Maguire oo 80 Milyan oo pound ahaa haddii ay Wesley Fofana kala soo wareegayaan kooxdii Maguire ee Leicester City. (Telegraph)

Barcelona khadkeeda dhexe ee Frenkie de Jong ayaa diyaar u ah inuu mushahar dhimis kusii joogo Barcelona walow ay xiisaynayaan Chelsea iyo Manchester United. (Sport – in Spanish)

Leeds ayaa 22 Milyan oo pound ku doonaysa garabka PSG ee Arnaud Kalimuendo. (Sun)

Man United iyo RB Salzburg ayaa wadahadal wali kaga jira saxeexa weeraryahanka da’yarka ah ee Benjamin Sesko. (Sky Sports)

Wolves tababaraheeda Bruno Lage ayaa rajaynaya in Adama Traore uu kooxda sii joogo xilli ciyaareedka cusub. (Birmingham Live)

Nottingham Forest ayaa RB Leipzig wax ka weydiisay daafaca bidix ee Angelino. (Mail)

Middlesbrough ayaa dhammaystiraysa saxeexa weeraryahan Matthew Hoppe oo kaga imanaya Mallorca. (90min)

Cesc Fabregas ayaa usoo jeediyay Lionel Messi inuu Barcelona kusoo laabto xagaaga dambe. (Mirror)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada