Chelsea Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii Koowaad Ee Suuqa Xagaagan & Booska Uu Ka Xoojin Doono

Advertisements

Kooxda Chelsea iyo macalin Thomas Tuchel ayaa u muuqda kuwo ugu dambayn iska furanaya saxeex la’aanta ka haysatay suuqa xagaagan waxaana ay ku dhaw yihiin saxeexoodii ugu horreeyay oo u noqonaya Raheem Sterling oo Manchester City ka tirsan.

Blues ayaa u ogolaaday Romelu Lukaku inuu amaah ugu laabto Inter Milan oo ay lacag rekoodh ah kaga soo iibsadeen sanad kahor halka Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen ay qaab xor ah ugu biireen Real Madrid iyo Barcelona.

Advertisements

Sidoo kale Azpilicueta iyo Alonso ayaa iyaguna xiiso weyn ka helaya isla Barca halka xiddigo kale oo laga xusi karo Hakim Ziyech, Timo Werner iyo Hudson-Odoi dhammaantood ay ka hayaami karaan Stamford Bridge gudaha suuqan.

Si kastaba, sida uu haatan sheegayo wargeyska Independent, Chelsea ayaa ku jirta dhammaystirka qaybihii ugu dambeeyay ee heshiiska ay Sterling kagala saxeexanayso Man City.

Advertisements

27 sano jirkaas ayay warbixintu sheegaysaa inuu ku faraxsan yahay heshiiska uu ugu wareegayo Chelsea isagoo sidoo kale qayb ka noqon doona safarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka ee ay kooxdaasi ku tagayso Maraykanka.

Man City ayaa heshiiska guud ahaan marka gunnooyinka lagu daro 55 Milyan oo pound ku heli doonta. Kaddib Sterling Chelsea ayaa la filayaa inay saxeexa daafac dhexe muhiimada koowaad siin doonto.

Daafacyada dhexe ee lala xidhiidhinayo kooxda tababare Tuchel ayuu kamid yahay Nathan Ake oo isla City ah, daafaca Juventus ee Matthijs De Ligt iyo Jules Kounde oo Sevilla ka tirsan.

Advertisements

Reporter Claims 27-year-old Chelsea FC Player 'will Be' This Summer

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada