Chelsea Oo Guul Cidhiidhi Ah Ku Bilaabatay Horyaalka Premier League Xilli Ay Niyad-jabiyeen Halyeygooda Frank Lampard

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul cidhiidhi ah kasoo gaadhay Everton oo ay marti u ahayd, waxaana tababare Thomas Tuchel uu gacanta ku dhigay saddex dhibcood oo muhiim ah kulanka koowaad ee horyaalka Premier Leagu ee xilli ciyaareedkan bilowga ah.

Blues ayaa booqatay garoonkii lagu soo garaacay dhamaadka xilli ciyaareedkii hore ee Goodison Park, waxaanay saddexda dhibcood ku heleen rikoodhe uu dhamaadka qaybta hore dhaliyey Jorginho oo ay Everton awoodi weyday inay ka daba timaaddo.

Advertisements

Kulankan oo labada kooxood ay si aad ah ugu xafiiltameen gudaha garoonka ayay iska khasaariyeen fursado ay goolal ku dhalin karayeen, hase yeeshee Everton ayaa ka shallaysay kubbad goolka hortiisa uu la tegay Dele Alli oo uu birta garab mariyey.

Chelsea jorginho

Mendy ayaa gool ka dafiray Tarkowski oo u qaatay inuu shabaqa soo taabanayho kulankiisakoowaad, kaddib markii uu goolka hortiisa ka helay kubbad uu dhinaca ka keenay Gray, taas oo laad diciif ah goolka ugu leexiyey Mykolenko ka hor intii aanu Tarkowski ka  helain goolka hortiisa ee aanu madax awood badan ku qabanin, balse Mendy ayaa ka dallacay goolkiisa.

Advertisements

Ciyaarta oo 18 daqiiqadood socota ayaa waxa Chelsea ka baxay difaaca dhexe ee Ben Godfrey oo ku dhaawacmay kubbad uu goolkiisa ka badbaadinayay oo uu Kai Havertz kala soo galay dhinaca bidix, isla markaana halis gelin lahaa goolka haddii aanu naftiisa halis u gelin lahayn Godfrey.

Rahseem Sterling ayaa u dhowaaday inuu shabaqa soo taabto markii uu dhinaca midig kala soo galay kubbad uu goolhaye Pickford u babac-dhigay, taas oo markii hore uu isku dhigay Holding oo beddelay Godfrey.

GOOOAALLLLLL!!!! Maya!!!! Raheem Sterling ayaa gool u dhaliyey Chelsea daqiiqaddii 43aad kaddib markii uu goolhaye Jordan Pickford dhinaca ka dhigay kubbad uu kusoo toogtay Kante oo uu dib iskaga soo celiyey, hase yeeshee markii uu Sterling  bilaabay dabbaal-degga ayaa waxa uu arkay calan muujinaya offside oo dhinaca ka taagan.

Chelsea 1

RIKOODHE!!! Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore ayay Chelsea heshay rikoodhe kaddib markii uu Doucoure qalad ku galay Ben Chilwell oo dhinaca kala soo galay kubad, taas oo uu gool u beddelay Jorginho, waxaanay Blues la nasatay iyadoo qaybta hore hoggaanka ku haysa gool madi ah.

Markii lagu soo laabtay qaybta dambe ayay labada kooxoodba sameeyeen isbeddello sabab u noqday inay helaan fursado dahabi ah.

Thiago Silva ayaa khibraddiisa u adeegsaday in uu badbaadiyo kubbad halis ahayd oo uu Gray lasoo galay xerada ganaaxa, waxaana uu laacibkan madow darbo xooggan ku toogtay goolka taas oo uu lugta u dhigay Silva. Waxyar ayay kubaddu u jirsatay goolka uu waardiyaha ka ahaa Mendy.

Culays badan oo ay Everton saartay Chelsea qaybta dambe ayaa waxay sababtay in uu dhaawacmo Kalidou Koulibaly oo la beddelay dhamaadka ciyaarta oo ay 15 daqiiqadood ka hadhsan tahay, halka Thiago Silva uu isaguna ciyaarta dhamaystay iyadoo uu muruqa xanuun ka dareemayo oo waqti kooban daraadii ciyaarta loo joojiyey.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Chelsea oo marti ahayd, waxaanu tababare Thomas Tuchel xoogsaday saddex dhibcood kulankiisii koowaad.

Advertisements

1 Fekrad

  1. Ciyaartu waxay aheyd mid adag oo labada kooxoodba weeraro isku hayeen
    hadana chalsea ku ay badin awood lkn nasiib ayey guushu ku raacday

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada