Chelsea Oo Daafac Cusub Doonaysa, Arsenal Oo Weeraryahan Diraysa Midna Keenaysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Arsenal ayaa Sevilla u bandhigi doonta saxeexa Alexandre Lacazette, oo 30 sano jir ah siay uga hesho 25 sano jirka weeraryahanka ree Morroco ee Youssef En-Nesyri. (La Razon – in Spanish)

Leeds United ayaa wadahadalo la furtay khadkeeda dhexe ee Kalvin Phillips oo ay heshiis cusub ka doonayso si uusan ugaga wareegin dhinaca kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester United. (Star)

Advertisements

Suuqa

Tottenham ayaa xiisaynaysa goolhayaha kooxda West Bromwich Albion ee Sam Johnstone. (Football Insider)

Tottenham ayaa sidoo kale doonaysa inay iibiso suuqa bisha January khadkeeda dhexe ee Harry Winks. (Caughtoffside)

Advertisements

Barcelona khadkeeda dhexe ee Frenkie de Jong ayaa sheegay in caydhinta tababare Ronald Koeman aysan xalin doonin dhibka kooxda. (Goal)

Chelsea ayaa doonaysa inay daafaca dhexe ee kooxda Villarreal ee Pau Torres oo ay sidoo kale xiisaynaysay Manchester United. (90min)

Declan Rice ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Man United isla markaana uu ujeedooyinkiisa kooxdaas ku gaadhi karo walow lala xidhiidhinayo Chelsea iyo Manchester United. (Sky Sports)

Inter Milan ayaan xiisaynayn goolhayaha kooxda Arsenal ee Bernd Leno waxaana ay bedelkiisa doonayaan Andre Onana oo Ajax qaab bilaash ah kaga tagaya. (Fabrizio Romano via Twitter)

Leno ayaa aaminsan in sababaha shaxda Arsenal looga saaray aysan ahayn mid qaab ciyaareedkiisa la xidhiidha waxaana uu doonayaa inuu ka huleelo kooxdaas. (Bild via Mirror)

Jules Kounde ayaa sheegay inuu kooxdiisa Sevilla diirara saarayo kaddib heshiiskii ay Chelsea ku doonaysay suuqii xagaaga. (Star)

Fiorentina madaxweynaheeda Rocco Commisso ayaa sheegay in kooxdu ay ku dhibtoonayso inay heshiis cusub ka saxeexato Dusan Vlahovic oo xilli ciyaareedkii hore 21 gool oo Serie A ah usoo dhaliyay. (Express)

Everton ayaa doonaysa khadka dhexe ee kooxda AS Roma ee Gonzalo Villar oo u muuqda mid aan ku jirin qorshayaasha tababare Jose Mourinho. (Fichajes – in Spanish)

Manchester United tababaraheeda Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Jesse Lingard uusan kooxda ku faraxsanayn sababtoo ah ciyaaris la’aantiisa. (Metro)

Lorenzo Insigne ayaa sheegay inuusan wali wadahadalo heshiis kordhin ah la bilaabin kooxdiisa Napoli walow qandaraaska 30 sano jirkaasi uu dhacayo xagaaga dambe. (Sky Sport Italia, via Mail)

Leonardo Bonucc ayaa sheegay inuu sanadkii 2016 ku dhawaaday inuu Manchester City ku biiro sidoo kalena uu sanadkii hore la hadlay Pep Guardiola balse uu doortay inuu sii joogo Juvnetus. (Athletic, via Goal)

Manchester City ayaa xiisaynaysa 18 sano jirka kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz. (Bild via Sport Witness)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA