Chelsea Oo Musiibo Dhaawacyo Ahi Ku Habsadeen Qaybta Hore Ee Kulanka Malmo

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayay jug weyni soo gaadhay qaybta hore ee kulanka FC Malmo ee tartanka Champions League oo ay laba gool la hormareen 21kii daqiiqadood ee ugu horreeyey.

Thomas Tuchel ayaa lagu qasbay inuu laba beddel sameeyo qaybta hore ee ciyaarta isagoo saaray weeraryahannada Romelu Lukaku iyo Timo Werner oo ay soo gaadheen dhaawacyo ay ciyaarta sii wadan kari waayeen.

Advertisements
Advertisements

Iyadoo uu Tuchel madax xanuun ka qaaday dhaawaca Lukaku ayaa waxa haddana usoo yeedhay war kale oo aad u xun oo qasbay inuu beddel kale sameeyo, waxaana laba daqiiqaddii 44aad uu garoonka ka saaray Timo Werner oo isagana dhaawac soo gaadhay. Callum Hodson-Odoi ayaa beddelay Timo Werner.

Ka sokow dhaawacyada, Chelsea ayaa heshay guul weyn oo ay ku xaqiijisteen inay yeeshaan lix dhibcood saddex kulan oo ay ciyaareen kaddib.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA