Cesc Fabregas Oo Magacaabay Xiddiga Uu Saxeexiisa Kula Taliyay Barcelona Kahor Ku Biiristiisii Real Madrid

Advertisements

Barcelona ayaa xagaagan kooxdeeda si weyn usoo xoojisay walina wada halka dhigeeda Real Madrid ay samaysay labada saxeex ee daafaca dhexe ee Antonio Rudiger iyo khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni.

Tchouameni ayay xagaagan saxeexiisa kooxo badani doonayeen balse ugu dambayn waxa gacanta ku dhigtay Real Madrid kaddib heshiis 68 Milyan pound ah oo ay la gaadhay AS Monaco.

Advertisements

Haatan xiddigii hore ee Barcelona ee Fabregas oo ay mudo kasoo wada tirsanaayeen Monaco da’yarkaas ayaa sheegay sida uu kooxdiisii hore ugula taliyay saxeexiisa kahor Real Madrid.

“In markale la guuleystaa aad ayay u adagtahay, iyagu (Real Madrid) si fiican ayay isku soo xoojiyeen. Waan garanayaa Tchouameni, waxaan la hadlay dad Barcelona ka tirsan si ay ula saxeexdaan, isagu wuxuu u muuqday ciyaaryahan fiican oo mustaqbalka ah balse dhaqaale ahaan may awoodayn” ayuu yidhi Cesc.

Advertisements

“Aragtidayda waxaan siiyay koox kale oo aan hore ugu soo ciyaaray ugu dambayna wuxuu ku biiray cadawga, waa inaad ka faa’idaysato faa’idooyinkan suuqa”.

Mundo Deportivo ayaa waraysigan ka qaaday Fabregas oo dhawaan ku biiray kooxda heerka labaad ee dalka Talyaaniga ee Como oo uu laba sano u saxeexay.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada