Ceeb Darteed Manchester United Oo Kansashay Xaflada Abaalmarinadii Xilli Ciyaareedka

Advertisements

Manchester United ayaa kansashay xafladii sannadlaha ee abaalmarinada kooxda ka dib markii ay soo martay xilli ciyaareedkoodii ugu xumaa abid ee horyaalka Premier League.

United ayaa xafladaan qabanaysay muddo ka badan toban sannadood iyadoo lagu maamuuso ciyaartoydii ugu fiicnaa kooxda koowaad iyo da’ yarta.

Advertisements

Xaflada waxaa caadiyan lagu qabtaa Old Trafford 15 maalmood ka hor inta uusan xilli ciyaareedka dhamaanin, laakiin sannadkan lama qabanin.

Waxaa la fahamsan yahay in ciyaartoyda United ay ceeb weyn u arkeen in xaflada abaalmarinta la qabto ka dib xilli ciyaareedkii xumaa ee soo maray.

Advertisements

Ciyaartoyda ayaa la sheegay inay dareemeen wajigabax inay xaflad ay isku abaalmarinayaan qabsadaan waana sababta madaxda kooxda ay u go’aansadeen in xaflada la kansalo sannadkan.

Xilli ciyaareedka xun ee soo maray Man United waxaa ka mid ah inay seegeen kaalinta afaraad ee loogu soo baxayo Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Halka ay isha ka daawanayaan labada kooxood ee xafiiltamaan ee Man City iyo Liverpool oo ku tartamaya hanashada horyaalka. Man United oo ku jirta kaalinta lixaad ayaa uruursan doonta dhibcihii ugu yaraa abid ee ay ka hesho horyaalka Premier League marka xilli ciyaareedka uu dhamaado Axada.

Fashilkooda xilli ciyaareedkan waxaa sidoo kale ka mid aheyd inay ceyriyeen tababare Ole Gunnar Solskjaer bishii November iyadoo si ku meel gaar ah loogu bedelay Ralf Rangnick oo isna fashil kale noqday.

Waxaa intaas sii dheeraa in dhowr jeer ay taageerayaasha kooxda qabteen mudaharaadyo waa weyn oo looga soo horjeedo qoyska Mareykanka ee iska leh kooxda ee lagu magacaabo Galzers.

Inkastoo xaflada abaalmarinta la kansalay hadana Man United ayaa ka shaqeyneysa inay ku dhawaaqdo xiddigii ku guuleystay laacibka xilli ciyaareedka Man United iyadoo uu ugu cadcad yahay David de Gea.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada