Carlo Ancelotti: “Shaki Iigama Jiro 11ka Aan Safayo Finalka Champions League Laakiin Waxaan Shaki Ka Qabaa…”

Advertisements

Inkastoo Real Madrid ay xooga saareyso finalka Champions League hadana tababare Carlo Ancelotti ayaa sheegay inuu mar kale doonayo inuu iska soo gabagabeeyo horyaalka La Liga oo ay ku guuleysteen mar sii horeysay.

Los Blancos ayaa habeen danbe oo Jimce ah garoonka Santiago Bernabeu waxay ku martigelineysaa Real Betis, iyadoo Ancelotti uu ku duceysanayo in ciyaartoydiisa aysan dhaawacyo soo gaarin ka hor finalka ay wajahayaan Liverpool ee ka dhacaya magaalada Paris.

Advertisements

Ancelotti ayaa sheegay inuu durbaba ogyahay 11ka xiddig ee uu soo safayo ciyaarta finalka Champions League.

“Shaki iigam jiro 11ka xiddig ee aan soo safayo ciyaarta Paris.” ayuu Ancelotti yiri markii la weydiiyay shaxdiisa kulanka finalka.

Advertisements

“Shakiga kaliya aan qabo ayaa ah ciyaartoyda doorka ugu muhiimsan ciyaari doonta, kuwa ku soo bilowda ama kuwa ciyaarta dhameysta.”

Real Madrid ayaa hanashada horyaalka xaqiijisatay bishii April halka Liverpool ay weli rajo ka qabto Premier League iyagoo kulankooda ugu danbeeya ciyaarta maalinta Axada.

“Waa run inay weli u dagaalamayaan koobka horyaalka” ayuu yiri Ancelotti.

“Inagu waxaan heysanaa waqti badan oo aan uga fekerno ciyaarta finalka. Laakiin kama aanan fekerin weli, kamana fekeri doono ilaa iyo Isniinta.

“Laakiin wax walba diyaar ayay inoo yihiin.

“Taageerayaasha Real Madrid waxay ku faraxsan yihiin finalka Champions League, waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano koobkii 14aad. Wax kale ma rabno.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada