Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Dhaawaca David Alaba Xilli Ay Sugayso Sevilla

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka hadashay dhaawaca soo gaadhay difaaceeda dhexe ee David Alaba qaybta dambe ee kulankii Sheriff Traspol ee tartanka Champions League.

Laacibka reer Austria ayaa garoonka laga saaray markii uu xanuun ka dareemay lugta, waxaana lagu beddelay Nacho Fernandez.

Advertisements

Tababare Carlo Ancelotti oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu soo qaaday dhaawaca Alaba oo dhaliyey goolka koowaad ciyaartii ay 3-0 ku garaaceen Sheriff, ka hor intii aanu Toni Kroos iyo Vinicius Junior ku darin labada gool ee kale.

“Ma rumaysnin in dhaawaca Alaba uu mid weyn noqon doono.” Ayuu yidhi Ancelotti oo hoos u dhigayay dhaawaca laacibkan.

Advertisements

Sawirro laga qaaday ayaa waxay caddeeyeen in jilibka ay kasoo gaadhay waxyeello yar oo aan saamayn badan lahayn, laakiin waxa uu seegay tababarkii Jimcihii.

Sida uu qoray wargeyska Marca, David Alaba waxa uu ka maqnaan doonaa kulanka Axadda ee Sevilla, balse waxa uu dib ugu soo laaban doonaa tababarka Isniinta isaga oo diyaar u noqon doona jadwalka cidhiidhiga ah ee bisha December.

29 jirkan ayaan wax dhaawac ah oo weyn aanu hore uga gaadhin jilibka lugta bidix, hase yeeshee waqtigiisii Bayern Munich ayaa marar badan ay dhaawacyo uu muddo ku maqnaa ka gaadheen jilibbka midig.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada