CAJIIB: Henry Oo Aan Lionel Messi U Dooran Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Ka Garab Ciyaaray & Midka Uu Darajadaas Siiyay

Advertisements

Halyeeyga kooxaha Arsenal iyo Barcelona ee Theirry Henry ayaa Lionel Messi u diiday inuu u magacaabo xiddigii ugu fiicnaa ee uu kasoo garab ciyaaray waayihiisa ciyaareed iyadoo la filayay inuu doorkaas si sahlan ku siin doono.

Henry iyo Messi ayaa saddex xilli ciyaareed kasoo wada ciyaaray Barcelona iyaga oo kusoo wada guuleystay UEFA Champions League iyo laba jeer horyaalka La Liga.

Advertisements

Henry ayaa mar la weydiiyay xiddiga ugu fiican ee uu kasoo garab ciyaaray iska diiday Leo isaga oo bedelkiisa booskaas galiyay Dennis Bergkamp oo ay xidhiidh is-fahan oo heer sarre ah kusoo lahaayeen garoonka dhexdiisa wakhtigoodii Arsenal.

Theirry ayay gabadha qabata barnaamijka CBS Sport ee Kato Abdo weydiisay su’aasha ah “Waa kuma ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee aad kasoo garab ciyaartay?”

Advertisements

44 sano jirka haatan ah tababare ku xigeenka xulka qaranka Belgium-ka ayaa ku jawaabay “Dennis Bergkamp”, kaddib Kate ayaa cadaadis saartay iyada oo weydiisay su’aasha kale ee ah “Maaha Messi miyaa?”

Henry ayaa isaga oo u muuqday mid diidaya inuu su’aashaas toos uga jawaabo yidhi Waa Dennis Bergkamp, su’aashu ma mid deg-deg looga jawaabayaa? waa Dennis Bergkamp.”

Bergkamp ayay kusoo wada guuleysteen Henry laba horyaal Premier League iyo laba FA Cup halka ay sidoo kale wada gaadheen Final-kii Champions League ee 2006.

Advertisements

Bergkamp - How Henry became the very best | Podcast | News | Arsenal.com

1 Fekrad

  1. Waxaan war cusub maahe ee be for 3days baan ogayn Henry wuxuu doorway D.bergkamp. j.cargher isna Wuxuy doorway Steven graduated.ee markaa wuxii War cusub no soo qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA