CADAALAD: Jamaahiirta Arsenal Oo La Yaabay Waxa Uu Agaasime Edu Ku Sameeyay Wiilkiisa Oo Kooxda Ka Tirsanaa

Advertisements

Jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa si weyn ugu kaftamay talaabo uu dhawaan agaasimaha ciyaaraha kooxdaas ee Edu Gaspar qaaday oo saamaysay wiilkiisa Luigi Gaspar oo da’yarta kooxda qayb ka ahaa.

Luigi oo 18 sano jir ah isla markaana booskiisu yahay burburiyaha khadka dhexe ayaa dhammaadka bishan ka baxaya Arsenal waxaana uu ku biirayaa kooxda Watford.

Advertisements

Wakhtiga da’yarkaasi ku qaatay Arsenal da’yarteeda ayaa ahaa mid ay dhaawacyo hadheeyeen waxaana uu kaliya hal mar u ciyaaray kooxda 23 sano jirada ka yar ee Arsenal halka uu 11 jeer metelay kooxda 18 sano jirada ka yar.

Kaddib markii uu bixitaanka warkan qarxiyay saxafi Fabrizio Romano ayay ku kaftameen taageerayaasha kooxdaasi sida uu cadaaliga u yahay Edu ee xataa wiilkiisii u diray.

Advertisements

“Waan ilmaynayaa, waxa uu fasaxay wiilkiisii, isagaa waa ka dhab” ayuu yidhi mid kamida taageerayaasha Gunners.

Taageere kale ayaa isaguna dareenkiisa ku cabiray “Edu wuxuu fasaxay wiilkii uu isagu dhalay dadka qaarna waxay leeyihiin Arsenal wali may soo laaban”.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada