“Caawa Waxaanu Muujinay…..” – Xavi Oo Cabiray Dareenkiisa Kulankii Kooxdiisa Barcelona Guuldarrada Kala Kulantay Real Madrid

Advertisements

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa dhiibtay aragtidiisa kulankii ay xalay guuldarrada 3-2 ah kala kulmeen dhigooda Real Madrid ciyaar ahayd afar dhammaadka tartanka Spanish Super Cup oo ka dhacday dalka Saudi Arabia.

Xavi ayaa sheegay inuu aad ugu han weyn yahay bandhigii kooxdiisa ee kulankaas isaga oo ku dooday inay qabsadeen kana gacan sarreeyeen Real Madrid.

Advertisements

Xavi ayaa shaaca ka qaaday inuu ka niyad-jabsan yahay guuldarradaas kooxdiisa soo gaadhay balse uu ku faraxsan yahay sida ay ciyaartoydiisu ugu babac dhigeen Madrid.

“Anigu uma qabo wax cabashooyin ah mid kamida ciyaartoydayda sababtoo ah dhammaantood waxay muujiyeen ka go’naansho, iyagu waa kuwo da’yar mararka qaarna waxaad u baahan tahay inaad iyaga hakiso waxyar, ciyaartoy ayaa dhaawac nooga soo laabanaya taasina waxay war wanaagsan u tahay kooxda.” ayuu yidhi Xavi.

Advertisements

Dhinaca kale tababaraha ree Spain ayaa sheegay in xalay kooxdiisu muujisay inay awood u leedahay inay la loolanto dhammaan kooxaha dunida.

“Wuxuu ahaa kulanku mid gacmahayaga ku jira, waxaanu ahayn kuwo wer-wersan 20 ilaa 25 daqiiqo balse waxaanu awoodnay inaanu taas ka gudubno.”

“Caawa waxay ahayd habeen geesi la noqdo oo la iska ilaawo cadaadiska, may ahayn habeen wax lagu khamaaro balse kooxdan Barca waxay muujisay inay la loolami karto koox kasta balse dareenka guud waa in kooxdu kor u socoto.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada