Bruno Fernandes Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Wixii Uu U Sheegay Alex Telles Ka Hor Inta Uusan Dhalinin Goolkii Cajiibka Ahaa

Fernandes Villarreal
Advertisements

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes ayaa daaha ka rogay talo uu siiyay saaxiibkiisa Alex Telles ka hor inta uusan dhalin goolkii cajiibka ahaa ee ay 2-1 kaga badiyeen Villarreal tartanka Champions League Arbacadii.

Kooxdii martida ahayd ayaa hoggaanka qabatay markii Paco Alcacer uu shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Arnaut Danjuma daqiiqadii 53aad.

Advertisements

0 Fernandes Villarreal

Laakiin United ayaa dib u dagaalantay waxayna ku barbareeyeen kubad cajiib ah oo uu Telles ka helay meel ka baxsan xerada ganaaxa taasoo aan  fursad siinin goolhayaha reer Argentina Geronimo Rulli.

Ciyaarta ayaa u muuqatay inay barbaro ku socoto ilaa daqiiqadii shanaad ee waqtiga dhimashada, Cristiano Ronaldo dhaliyay goolka guusha ka dib kubad uu ka helay Jesse Lingard isagoo guusha u xaqiijiyay Man United.

Advertisements

Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, Fernandes wuxuu amaan u soo jeediyay Telles – oo ka faa’ideystay dhaawaca Luke Shaw – wuxuuna sheegay inay ahayd fikradiisa in ciyaaryahanka reer Brazil banaanka uga baxo xerada ganaaxa islamarkaana uu goolka halkaas ka soo toogto.

“Alex ayaa ii yimid, wuxuu ii sheegay inuu orod ku geli doono xerada ganaaxa, haddii aan fursad u helana aan kubada ugu baas xerada ganaaxa dhexdeeda” Fernandes u sheegay MUTV.

“Laakiin waxaa u sheegay inuu aado banaanka xerada ganaaaxa sababtoo ah ciyaartoyda oo dhan gudaha ayay soo galayaan anigana waxaan awooda inaan kubada u qaado isaga oo halkiisa ugu geeyo, waxaana u sheegay inuu kubada sideeda kula qabto ama uu koontaroolo ka hor inta uusan darbeynin.

“Waa tayada uu leeyahay Alex, anigu waxba ma sameynin, waa run kubad fiican ayaan u geeyay Alex laakiin Alex ayaa darbo fiican ku qabto islamarkaana gool cajiib ah dhaliyay.”

Advertisements

Daawo Goos-gooska Alex ee ciyaartii xalay:

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA