Daawadayaasha TV-ga BBC ayaa la yaabay qoraal ay saaka ku arkeen Tv-gooda iyadoo qoraalka hoose ee TV-ga lagu soo qoray “Manchester United waa qashin.”
Qoraalkaan ayaa Tv-ga ka soo muuqday saaka oo Talaado ah ka hor inta aan si weyn loogu wadaagin baraha bulshada.
Mid ka mid ah shaqaalaha cusub ee TV-ga oo tababar lagu siinayay sida qoraalka hoose ee TV-ga loo daabaco ayaa si kama ah u qoray qoraalkaas sida ay BBC sheegtay.
Gabar waqtigaas soo jeedineysay warka ayaa raaligelin ka bixisay qoraalka hoose ee loogu gafay Manchester United.
UPDATE: BBC News have apologised.
They say that a trainee was learning how to write text for the ticker and accidentally published them onto the BBC News Channel. pic.twitter.com/OkjPIkJAoo
— Scott Bryan (@scottygb) May 24, 2022
Waxay tiri: “Wax yar ka hor, qaarkiin waxaad aragteen qoraal qariib ah oo looga faaloonayo Manchester United, waxaana rajeynayaa in taageerayaasha Manchester United aysan ka caroonin.
“Aan idiin sharxo sida ay wax u dhaceen. Shaqsi ayaa loo tababarayay sida loo qoro qoraalka hoose ee TV-ga, shaqsigaas wuxuu qorayay qoraalo tijaabo ah, laakiin si kama ah ayuu u daabacay qoraalkaan.
“Sidaasi darteed raaligelin ayaa ka bixineynaa haddii aad aragtay ama haddii aad ka carootay iyo haddii aad tahay taageere Manchester United.
“Laakiin hubaashii waxay aheyd qalad inaga dhacay, mana loogu talogelin inuu shaashadaha ka soo muuqdo.”
Baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay qoraalkaan ka soo muuqday TV-ga BBC ee loogu gafay Man United.
Shaqsi ayaa Twitter ku soo qoray: “Waa Pep Guardiola oo bilaabay shaqadiisii xagaaga.”
Mid kale ayaa yiri: “Waxaan rajeynayaa in shaqsigaas la tababarayo uusan ka xumaanin qaladkii ka dhacay sababtoo ah waa qalad dhici kara balse waa qalad taariikhi ah oo aan ka mahadcelineyno.”
Taageere Man United ah ayaa isna yiri: “Xitaa anigoo taageere Man Utd ah uma arko qoraalkaas mid qalad ah.”
Man United ayaa ku dhameysatay kaalinta lixaad ee Premier League xilli ciyaareedkan, iyagoo 35 dhibcood ka danbeeyay kooxda horyaalka qaaday ee Man City, halka farqigooda goolsha ee xilli ciyaareedka uu ahaa EBER.
Taageerayaasha Man United ayaa rajeynaya in tababaraha cusub Erik ten Hag inuu wax ka bedelo kooxda xilli ciyaareedka soo socda.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora