Barcelona Oo Weeraryahan Dilaa Ah Doonaysa, Dhaliyaha Cusub Ee Man United Doonayso & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Manchester City ayaa kor u qaadi doonta isku daygeeda ay heshiis cusub kaga saxeexanayo Raheem Sterling oo lala xidhiidhinayo Barcelona. (Telegraph – subscription required)

Manchester United ayaa ku biirtay liis kooxo ah oo ay kamid yihiin Tottenham iyo Newcastle United iyaga oo doonaya saxeexa weeraryahan Dusan Vlahovic oo ka tirsan Fiorentina. (Mail)

Advertisements

Paris St-Germain ayaa wadahadalo la yeelatay tababare Zinedine Zidane iyaga oo isku diyaarinaya suurogalnimada uu Mauricio Pochettino ugu biirayo Manchester United. (Le Parisien, via Metro)

Ralf Rangnick, oo ku dhaw inuu noqdo tababaraha Man United ayaa diiday heshiiskii hore ee ay kooxdaasi u bandhigtay kahor inta uusan qoddobo kale aqbalin. (Manchester Evening News)

Advertisements

Manchester United ayaa wali doonaysa in kooxdeeda uu xagaaga dambe la wareego Pochettino walow uu haatan kumeel gaadh ahaan u yimid Rangnick. (90 Min)

Manchester City khadkeeda dhexe ee Oleksandr Zinchenko ayaa kamida liiska xiddigaha Newcastle doonayso January. (Mail)

Lazio khadkeeda dhexe ee Sergej Milinkovic-Savic ayaa bar-tilmaameed u ah Man United isaga oo bedel uga noqon kara Paul Pogba oo heshiiskiisu dhacayo xagaaga dambe. (Fichajes – in Spanish)

Chelsea ayaa horumar ka samaysay wadahadalada ay heshiis cusub kaga saxeexanayso daafaca dhexe ee Andreas Christensen oo qandaraaskiisii hore xagaaga dhacayo. (Football Insider)

Barcelona ayaa u dhaqaaqaysa saxeexa weeraryahanka Basel ee Arthur Cabral balse marka hore ciyaaryahano ay tahay inay iibiso kahor inta aysan Brazilian-kaas u dhaqaaqin January. (Goal)

Ivan Perisic oo heshiiskiisa Inter Milan dhacayo xagaaga 2022 ayaa sheegay in waxkasta ay macquul yihiin mustaqbalkiisana laga war hayo dhawrka toddobaad ee soo socda. (Mediaset Infinity, via Football Italia)

Inter Milan ayaa ku rajo weyn in Marcelo Brozovic oo 28 sano jir ahi uu heshiis kordhin samayn doono xilli qandaraaskiisii hore 2022 ku eeg yahay. (90 Min)

AC Milan tababaraheeda Stefano Pioli ayaa maanta oo Jimce ah saxeexaya heshiis kordhin laba sano ah. (Calciomercato, via Football Italia)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada