Barcelona Oo Godkeeda Biyo Ugu Galeen & Kooxda Kula Tartamaysa Saxeexa Bernardo Silva

Advertisements

Barcelona ayaa badi waxyaabihii muhiimka u ahaa ka qabsatay suuqa xagaagan iyadoo la wareegtay xiddigo bartilmaameedyo asaasi u ahaa balse waxa jira wali xiddigaha qaar ay ka doonayso.

Barcelona ayaa bilawga suuqan kusoo gashay xaalad dhaqaale oo aad u adag balse waxay wax ku maaraysay inay iibisay qaybo kamida xuquuqda baahinta ee kooxdeeda.

Advertisements

Mid kamida xiddigaha ay ka doonayso suuqa ee ugu hadhsan ayaa ah khadka dhexe ee Man City ee Bernardo Silva, heshiiskaas ayaa la fahamsan yahay inuu ku xidhan yahay inay kooxdu dirto Frankie De Jong.

Way adkaan doontaa in Barca ay la wareegto Silva iyadoo uu kooxda De Jong sii joogo maadaama oo ay dhaqaale ahaan isku xidhan yihiin labada heshiis isku boosna yihiin labada xiddig.

Advertisements

Si kastaba, wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Silva ay sidoo kale xiisaynayso Paris Saint-Germain isla markaana shaqsiga doonayaa uu yahay agaasimaha ciyaaraha ee Luis Campos oo horeba u ahaa midkii kula saxeexday AS Monaco sanadkii 2014.

Haddii uu Silva ku qanco inuu ku biiro PSG isla markaana ay City diyaar u tahay inay ganacsigaas samayso ayay Barcelona banaanka ka ahaan doontaa heshiiskaas.

Silva ayaa hore warbaahintu badi u qortay in uu isagu doonayo inuu ka dego Camp Nou oo uu halkaas kula midoobo tababare Xavi Hernandez oo dhinaciisa aad u doonaya.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada