WAJI GABAX: Barcelona Oo Loo Diiday Inay Heshiisyo Cusub Ka Saxeexdo Ansu Fati Iyo Pedri

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaan heshiisyo cusub waqtigan ka saxeexi karin labada ciyaartoy ee Ansu Fati iyo Pedri, laakiin waxay ku kalsoon tahay inay awoodi doonto in aanay laacibiintani ka tegi doonin oo ay sii haysan doonto.

Fati Pedri

Pedri oo xiddig muhiim ah ka noqday Barcelona tan iyo markii uu xilli ciyaareedkii hore kasoo dallacay da’yarta, isla markaana uu boos joogto ah ka helay safka koowaad, waxa uu sidoo kale kulan walba ciyaaray tartankii EURO 2020 oo uu tiir dhexaad u ahaa xulka qaranka Spain.

Ansu Fati oo isaguna kasoo laabtay dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa ayaa shabaqa soo taabtay kulankiisii koowaad, waxaana loo xidhay lambarkii uu banneeyey Lionel Messi ee No.10.

Kooxdan ku jirta dhibaatada dhaqaale ayaa qorshaynaysay inay heshiisyo cusub oo ay waqtiga ugu dheeraynayso ka saxeexdo Pedri iyo Ansu Fati, kuwaas oo sidoo kale ay doonaysay in heshiisyadooda ay ku darto qodobbo si weyn sare loogu qaadayo lacagta lagu burburin karayo qandaraaskooda.

Joan Laporta iyo boodhka sare ee maamulak kooxda ayaa mudnaanta koowaad siinaya sidii ay labadan ciyaartoy waqtiga ugu sii dheerayn lahaayeen, waxaana la iskula soo qaadi doonaa arrintan shirweynaha guud ee xubnaha kooxda oo la qabanayo October 17, kaas oo sidoo kale la filayo in lagu go’aamiyo waqtiga ay kooxdu saxeexyo cusub samayn karto.

Waa maxay sababta aanay Barcelona heshiisyo cusub uga saxeexi karayn Fati iyo Pedri?

Ansu Fati iyo Pedri oo ay xiisaynayaan kooxaha waaweyn ee Yurub sida Premier League iyo Bundesliga, waxay Barcelona ka walaacsan tahay inay lumiso, sidaas darteedna waxa uu qorshahoodu yahay inay hadda go’aamiyaan mustaqbalkooda oo ay heshiisyo aan ka yarayn min shan illaa lix sannadood ka saxeexaan.

Laakiin dhibaatada dhaqaale ee haysata ayaa waxay sababaysaa in aanay Barcelona heshiisyo cusub ka saxeexi karin. Caqabadda ugu weyn waxay tahay in kooxdu aanay waqtigan bixin karin mushahar ka badan inta ay ciyaaryahannadani qaataan waqtigan, halka Fati iyo Pedri ay iyaguna doonayaan haddiiba ay heshiis cusub saxeexayaan, in mushaharooyin badan la siiyo.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA