Antonio Conte Oo Xaqiijiyey Inay Maxkamadda La Gelayaan UEFA Kaddib Markii Laga Caydhiyey Tartanka Europa Conference League

Advertisements

Tababaraha Tottenham ee Antonio Conte ayaa shaaciyey in kooxdiisu ay maxkamadda la geli doonto xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA kaddib markii laga caydhiyey tartanka Europa Conference League.

Tottenham ayaa laga saaray tartankan kaddib markii ay awoodi waayeen inay ciyaaraan kulan ay horraantii bishan la ballansanaayeen Rennes oo lagu soo gabogabaynayay wareegga groyup-yada tartanka Europa Conference League.

Advertisements

Spurs ka hor ciyaartan ka dalbatay UEFA in ciyaarta loo baajiyo iyadoo dersin ciyaartoyda kooxdaas ah uu ku dhacay Korona Fayras, taas oo xidhiidhka kubadda cagta Yurub uu ogolaaday, laakiin waxa cabasho ka keentay Rennes oo xilligaas ku sugnayd magaalada London oo ku doodday inay Tottenham ciyaari karaysay.

Guddida anshaxaha ee UEFA ayaa mar dambe go’aamisay in saddexdii dhibcood ee kulankaas la siiyo Rennes, iyadoo Tottenham lagu qoray guul-darro 3-0 ah, taas oo keentay inay ka hadhaan tartanka iyagoo kaalinta saddexaad ka galay hormadooda.

Advertisements

Antonio Conte oo warbaahinta la hadlayay maanta ayaa xaqiijiyey in go’aanka UEFA uu yahay mid aan la aqbali karayn, ayna la tiigsanayaan maxkamadda garsoorka khilaafaadk ciyaaraha, waxaanu yidhi: “Aniga, kooxda iyo taageereyaashuba waxa aanu doonaynaa in aanu go’aanka UEFA ka qaadano rafcaan. Waxa uu ahaa go’aan caddaalad-darro ah, waxa aanu u qalmaynaa in aanu garoonkayaga ku ciyaarno. Aad ayaan uga niyad-jabsanahay go’aamada UEFA.”

Tottenham ayaa saddex ciyaarood ay ka baaqdeen kaddib markii uu Fayraska  Korona kaga dhacay illaa 11 ciyaarood, waxaanay soo laabatay kulankii barbarraha 2-2 ay la galeen Liverpool.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada