“Anigu Ma Garanayo Haddii…..” – Theirry Henry Oo Qiimayn Daacadnimo Leh Ku Sameeyay Xaalka Kooxdiisii Arsenal

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Theirry Henry ayaa ka hadlay xaalada ay kooxdiisii hore haatan ku jirto xilli uu su’aal geliyay haddiiba uu tababare Mikel Arteta kooxda jihada saxda ah u wado.

Henry ayaa hoos u dhigay guushii 3-1 ka ahayd ee ay kooxdiisii hore gegida Emirates kaga gaadhay kooxda ay waqooyiga London ku loolamaan ee Tottenham isaga oo sheegay inay Spurs markasta kulamada garoonkooda ka adkaadaan.

Image

Arsenal ayaa kasoo kabatay qaab ceeb ah oo ay xilli ciyaareedka ku bilaabatay waxaana ay saddex guulood kasoo gaadhay Norwich City, Burnley iyo Tottenham kahor inta aysan bar-bardhac lasoo gelin Brighton.

Henry oo hadalkiisa uu soo xigtay wargeyska The Sun ayaa sheegay inuu sugayay inuu daawado sida ay ula ciyaaraan Brighton oo ah koox baaska si fiican u ciyaarta iyaga oo waliba marti u ah balse uusan ku qancin bandhigii ciyaartaas.

“Anigu ma garanayo haddii ay arrimuhu u socdaan jihada saxda ah, waxaan daawaday kulankii Brighton, ma daawatay?” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Theirry.

“Waxaan arkay anaga oo hore uga adkaanayna Norwich City, anaga oo guul kusoo gaadhayna Burnley, anaga oo Tottenham garoonkayaga kaga adkaanayna, sababtoo ah markasta Tottenham garoonkayaga waanu kaga adkaanaa”.

“Aad ayaan u faraxsanaa markii aanu Tottenham ka badinay maadaama oo aanu guulo xidhiidh ah oo wanaagsan ku jirnay laakiin waxaan sugayay inaan arko qaab ciyaareed anaga oo marti ah oo kahor tagayna koox kubadda baas ciyaarta, taas bedelkeeda waanu dhibtoonay”.

Arsenal ayaa rekoodh cajiib ah ka haysata Tottenham kulamada garoonkeeda iyaga oo kaliya hal guuldarro halkaas kagala kulmay 28-kii sano ee ugu dambeeyay.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA