“Aniga ama Bernardo” – Xiddig Laf-dhabar U Ah Barcelona Oo Ku Wargeliyey Xavi Hernandez In Uu Iska Tegayo

Advertisements

Xiddig Barcelona ee Gavi ayay shalay da’diisu noqotay 18 jir, waxaanay taas macnaheedu tahay in uu sharcigu u ogol yahay in uu saxeexi karo heshiis rasmi ah oo shan sannadood ah oo uu cimrigiisa ugu hibaynayo kooxda koowaad ee Barcelona.

Laacibkan da’da yar ee hibada badan ayaan wali cusboonaysiinin heshiiskiisa Barcelona oo kaliya 11 bilood ay ka hadhsan yihiin waqtiga uu dhacayo, waxaana uu hadda kala dooranayaa  inuu sii joogo Camp Nou iyo inuu soo afjaro waayihiisa Catalonia oo uu iskaga tago.

Advertisements

Barcelona ayaa dedaal badan ku bixinaysa sidii uu Gavi heshiiska ugu cusboonaysiin lahaa, waxaana uu Xavi Hernandez isku dayayaa in uu ku qanciyo inuu qalinka u qaato qandaraas waqti dheer ah iyadoo loo  xidhanayo No.6 oo uu banneeyey Riqui Puig, si uu tobanka sannadood ee soo socda uga garab ciyaaro Pedi.

Sidaas oo ay tahay, laacibkan ayaan ku faraxsanayn tallaabada kooxdiisu ay u qaadday inay la saxeexato xiddiga Manchester City ee Bernardo Silva oo sida la sheegay ay wada-hadallo la bilowday, waxaana uu Gavi ku wargeliyey Xavi in aanu heshiis cusub saxeexi doonin oo uu iska tegi doono haddii uu ay la saxeexdaan Bernardo Silva.

Advertisements

Wargeyska Beteve ayaa boggiisa hore maanta ku daabacay warka sheegaya in Gavi uu ka tegi doono Barcelona haddii uu yimaaddo Bernardo Silva xagaagan, waxaana kaga sii daran in uu xagaaga dambe si bilaash ah ku bixi doono maadaama qandaraaskiisa bilo kooban ka hadhsan yihiin.

Barca oo xagaagan lasoo saxeexay Franck Kessie ayaa uu Gavi arkaa in aanu helayn boos joogto ah haddii uu yimaaddo Silva, isla markaana uu kursiga kaydka fadhiyi doono maadaama khadka dhexe ay xulashada uga horreynayaan Frenkie de Jong, Pedri iyo Sergio Busquets, halka fursaddiisana uu sii dili doono Bernardo Silva.

Si kastaba ha ahaatee, Gavi iyo Barcelona ayaanu midkoodna ka  hadal arrintan hase yeeshee waxa lafilayaa in faahfaahin dheeraad ahi soo baxdo haddii Barca ay gacanta ku dhigto Bernardo Silva.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada