“Anaga Ayaa U Qalanay Ku Guuleysiga Champions League Laakiin….” – Mohamed Salah Oo Wali Qalbiga Ku Haya Final-kii Real Madrid

Advertisements

Garabka weerar ee kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaan wali ka hadhin ka hadalka Finalkii UEFA Champions League ee ay 28-kii bishii hore magaalada Paris kula ciyaareen kooxda Real Madrid.

Kulankaas ayaa kusoo dhammaaday guul 1-0 ah oo ay gaadhay kooxda ree Spain iyadoo gool uu dhaliyay Vinicius Jr uu labada dhinac kala saaray qaybtii dambe.

Advertisements

Salah ayaa ahaa xiddiga loogu hadal haynta badan yahay kulankaas kahor iyo kaddiba maadaama oo uu marar badan oo uu hadlay ku sheegay sida ay uga go’antahay inuu guul gaadho si uu uga aarguto Madrid oo afar sano kahor Champions League hore ka qaaday.

Haatan Salah oo la hadlayay wargeyska L’Equipe ayaa sheegay in kooxdiisu ay u qalantay ku guuleysiga koobkaas balse uu hor istaagay oo caqabad ku noqday goolhaye Thibaut Courtois.

Advertisements

“Waxaanu u qalanay inaanu guuleysano, anaga ayaa ka fursado badnayn, anigu waxaan helay laba ama saddex fursadood oo aad u waaweyn balse markasta Thibaut Courtois ayaa sameeyay badbaadinooyin cajiib ah” ayuu yidhi Mohamed.

“Isaga waa shaqadiisa, Real Madrid sidaas ayay ula soo saxeexatay. Wuu shaqaystay inuu ku guuleysto xiddiga kulanka, waxay ahayd habeenkiisii”.

Reds ayaa xog ahaan kulanka gacan sarreeyay iyaga oo 24 darbo sameeyay marka lala bar-bardhigo afarta darbo ee ay samaysay Madrid.

Shaqsiyan Salah ayaa xilli ciyaareed fiican soo qaatay isaga oo 31 gool kasoo dhaliyay 51 kulan oo tartamada oo dhan ah isla markaana kusoo guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka Premier League ee ay ciyaartoydu codeeyaan ee PFA.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada