AMAKAAG: Mane Oo Ka Warramay Inuu Doonayay Saxeexida Heshiis DHIMASHO Ah Wakhtigii Koobka Africa & Sababta

Advertisements

Xiddiga cusub ee kooxda Bayern Munich ee Sadio Mane ayaa ka warramay sida uu u doonayay inuu naftiisa huro intii uu socday tartankii koobka qaramada Africa.

Intii uu socday kulankii wareega 16-ka ee Cape Verde ay la ciyaareen ayuu Mane oo hoggaaminayay Senegal ku dhacay goolhayaha kasoo horjeeday taas oo dhalisay in 30 sano jirkaas bedel deg-deg ah lagu sameeyo oo cisbitaalka lala gaadho.

Advertisements

Intaas kaddib kooxdii Mane ee wakhtigaas ee Liverpool ayaa ku cadaadisay xulka Senegal in Mane ugu yaraan shan maalmood oo nasasho ah u baahan yahay oo uusan ciyaari karin kulanka xiga ee wareega siddeeda.

Mane ayaa sheegay inuu diiday isagu inuu wax nasiimo ah qaato oo uu doonayay in uu xataa saxeexo heshiis uu ku caddaynayo in haddii uu kulankaas ku dhex geeriyoodo uu isagu sababsaday oo aan cidna loo qabsan karin.

Advertisements

“Liverpool ayaa cadaadis saartay xidhidhka oo warqad u qortay FIFA ah inaan ugu yaraan shan maalmood oo nasasho ah u baahanahay taas oo ka dhignayd inaan seegayo kulanka siddeed dhammaadka” ayuu yidhi Sadio.

“Dhakhtarkayaga xulka sidoo kale waxay ahayd inuu nidaamkaas raaco, markii ay ii sheegeen sidaas waxaan wacay tababaraha oo aan u sheegay ‘Dhakhtarku ma doonayo inaan ciyaaro laakiin waa inaad igu darto 11-ka kulanka kusoo bilaabanaya”.

“Waxaan wacay madaxweynaha xidhiidhka waxaanan u sheegay in aanu u baahanahay inaanu kulan wada yeelano sababtoo ah waa inaan ciyaaro, noloshayda ayaan huri karaa”.

“Waxaan idhi ‘Waan ogahay maaha inaan ciyaaro balse aynu heshiis saxeexno, masuuliyadayda ayay noqon doontaa aniga ayaa saxeexi doona. Haddii aan dhinto waa inay yidhaahdaan qaladkayga ayuu ahaa, maaha qaladka qofkale”.

Advertisements

AFCON 2021: Update on Sadio Mane as Senegalese star is taken to hospital  over head injury in Cape Verde win :: Live Soccer TV

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada