AMAKAAG: Akhriso Sababta Ay Aston Villa Iyo Steven Gerrard Ugu Fududayn Karaan In Man City Premier League Ka Qaado Liverpool

Advertisements

Waxa soo baxaya warar naxdin ku ah kooxda Liverpool iyo fursadeeda ku guuleysiga horyaalka Premier League oo ay toddobaadkan rajo ka qabto iyadoo la ciyaarayo kulamada 38-aad ee xilli ciyaareedka gunaanadka u ah.

Haatan ayay kooxda macalin Pep Guardiola hormoodka u yahay hal dhibic hoggaanka kaga haysaa dhigeeda uu horkacayo Jurgen Klopp kaddib bar-bardhac ay toddobaadkii hore City lasoo gashay West Ham United.

Advertisements

Toddobaadkan ayay labada kooxood la kala ciyaari doonaan Wolves oo Reds ku booqanaysa halka ay Aston Villa u tagayso Sky Blues.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Aston Villa ay ku adkayn karto City sababtoo ah inuu tababare ka yahay halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard halka ay xiddigaheeda kamid yihiin Philippe Coutinho iyo Danny Ings oo hore ugu soo ciyaaray kooxda ree Merseyside.

Advertisements

Si kastaba, iyadoo ay sidaas tahay ayuu daafacii hore ee Man City ee Micah Richars oo haatan door falanqeeyenimo kaga shaqeeya Sky Sports uu soo bandhigay sabab yaab leh oo Gerrard iyo Villa ay u doorbidi karaan in City ka badiyo oo horyaalka ku guuleysato.

Richards ayaa sheegay in heshiiskii ay Jack Grealish Aston Villa kaga iibisay Man City xagaagii hore uu ku jiray qoddob dhigaya in Villa 15 Milyan oo pound oo dheeri ah heli doonto haddii uu Grealish horyaalka la qaado City taasina ay tahay sabab ay lacagtaas uga doorbidi karaan inay City ku adkeeyaan.

“Steven Gerrard wuxuu jeclaan lahaa inuu Liverpool horyaalka ku guuleeyo Axada balse Villa ayaa heshiiska Jack Grealish ku dartay qoddob dhigaya inay 15 Milyan oo dheeri ah heli doonto haddii City horyaalka ku guuleysato, ganacsigan lacagta ayaa waxkasta kasoo hormarta” ayuu yidhi Richards.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada