AKHRISO XAQIIQADAN: Cristiano Ronaldo Wuxuu Sabab U Yahay Dhibaatada Manchester United, Waana Tan Caddayntu

Advertisements

Guulaha Manchester United ee intii uu kusoo laabtay Cristiano Ronaldo ayaa hoos u dhacay, waxaana xog lasoo bandhigay ay muujisay in kooxdu ay wanaagsan tahay marka aanu isagu ku jirin garoonka ee uu kaydka fadhiyo amaba aan lagu soo darin liiska.

Ronaldo ayaa Manchester United kusoo laabtay xagaagii kaddib 12 sannadood oo uu usoo ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Advertisements

Waqti badan kuma qaadanin inuu saldhigo Old Trafford oo uu hore lix sannadood uga ciyaaray, waxaana 36 jirkani uu saftay 21 kulan xilli ciyaareedkan socda, isaga oo dhaliyey 14 gool.

Inkasta oo uu yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxda, haddana Manchester United way liidataa marka uu isagu garoonka ku jiro, waxaanay ka guulo badan tahay marka uu maqan yahay, sida ay muujisay xog uu soo bandhigay wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK.

Advertisements

21ka ciyaarood ee uu Ronaldo u saftay, waxay Manchester United guuleysatay 10 kaliya, halka 11ka kalena  ay ugu qaybsanaayeen guul-darro iyo barbarro. Afar ka mid ah 11kaas ayay Red Devils barbarro gashay, waxaana si xun loo karbaashay toddoba ciyaarood oo uu Ronaldo garoonka dhex-taagnaa.

Rikoodhka gool-dhalinta Manchester United ee kulan kasta oo uu Ronaldo ciyaaray waa celcelis ahaan 1.6, halka goolasha laga dhaliyeyna ay celcelis ahaan yihiin 1.5.

Arrinta cajiibka ahi waxa weeyaan, in Manchester United ay 48 boqolkiiba guuleysatay kulamadii uu Ronaldo u ciyaaray, laakiin marka uu isagu ka maqan yahay ay 50 boqolkiiba tahay guushoodu.

Lix ciyaarood oo uu Ronaldo ka maqnaa Manchester United, waxa kaliya laga badiyey hal mar, halka ay saddex ka  mid ah badiyeen, labana barbarro galeen.

Rikoodhka gool-dhalinta ee lixdaas ciyaarood ee uu Ronaldo ka maqnaa, waxa uu ahaa 1.5 ciyaar kasta, waana mid ka hoosaysa marka uu Ronaldo ku jiro garoonka, laakiin waxa uu isbeddel badan ku yimid dhinaca difaaca iyagoo laga dhaliyey celcelis ahaan 0.7 gool ciyaar walba, waana rikoodh fiican oo dhinaca difaaca ah.

Advertisements

Man United Ronaldo

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada