Barcelona ayaa mashaqo weyn oo dhinaca mushaharka ciyaartoydeeda ah gashay kaddib markii ay samaysay saxeexyo badan xagaagan, iyadoo marka horena ka cabanaysay dhaqaale xumo sannadihii ugu dambeeyey ay kusoo jireen oo keentay in lagu yeesho lacago deyn ah oo sare u dhaafaya 1 bilyan oo Euro.
Kooxda reer Spain ayaa si xor ah kusoo qaadatay Andreas Christensen iyo Franck Kessie, hase yeeshee waxay £140 milyan oo Gini ku kharash gareeyeen saddexda ciyaartoy ee Robert Lewandowski, Jules Kounde iyo Raphinha.
Lacagta intan le’eg ayay Barcelona bixisay iyadoo dhinaca kalena ka heshay ciyaartoydii ay iibisay kaliya £23.4 milyan oo Gini oo ahaa Philippe Coutinho oo ay Aston Villa si rasmi ah ula wareegtay.
De Jong ayaa waxa uu toddobaadkii mushahar ahaan u qaataa €560,962 Euro oo u dhiganta £470,156 Gini, waana mushahar ka badan inta uu xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ka qaato Manchester United, isaga oo waliba ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League.
25 jirkan oo sidoo kale £17 milyan oo Gini oo kale oo mushahar deyn ahaan ah ku leh Barcelona ayaa waxa ku xiga Sergio Busquets oo labaad fadhiya, halka Jordi Alba uu yahay ciyaartoyga saddexaad.
Halkan kaga bogo liiska mushaharka ciyaartoyda Barcelona
Frenkie de Jong – €560,962 – toddobaadkii
Sergio Busquets – €423,077 – toddobaadkii
Jordi Alba – €400,577 – toddobaadkii
Robert Lewandowski – €360,577 – toddobaadkii
Miralem Pjanic – €300,385 – toddobaadkii
Ansu Fati – €268,269 – toddobaadkii
Ousmane Dembele – €264,423 – toddobaadkii
Franck Kessie – €260,385 – toddobaadkii
Raphinha – €240,385 – toddobaadkii
Jules Kounde – €240,385 – toddobaadkii
Pierre Emerick-Aubameyang – €220,385 – toddobaadkii
Gerard Pique – €200,385 – toddobaadkii
Andreas Christensen – €200,385 – toddobaadkii
Memphis Depay – €200,385 – toddobaadkii
Pedri – €180,385 – toddobaadkii
Marc-Andre ter Stegen – €173,077 – toddobaadkii
Ronald Araujo – €134,615 – toddobaadkii
Ferran Torres – €120,192 – toddobaadkii
Samuel Umtiti – €120,192 – toddobaadkii
Neto – €115,385 – toddobaadkii
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora