Kubbad-sameeyeyaasha ugu wanaagsan dunida waqtigan ayaa la qiimeeyey, waxaana laga soo xulay 24ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan oo iyagana loosii kala qaybiyey afar meelood oo darajooyin kala hooseeya ah.
Lixda xiddiga ee ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka raacsan, waxa ku wada jira ciyaartooyo waaweyn oo aad filayso in magacoodu uu markaaba kaasoo hor muuqdo, waxaana ugu horreeya oo kaalinta koowaad kaga jira ruug-caddaaga Real Madrid ee Luka Modric oo muddo 10 sannadood ah kusoo jiray liiska kubbad-sameeyeyaasha ugu wanaagsan, waxaana ku xiga oo ay liiska ku wada jiraan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Kevin De Bruyne.
Manchester City ayaa ciyaartoyda ugu badan ku leh liiska xiddigaha darajada koowaad ee kubbad-sameeyeyaasha ah, waxaana Kevin De Bruyne kula jira Bernardo Silva iyo Phil Foden, kuwaas oo uu soo raaco laacibka da’da yar ee Barcelona ee Pedri.
Christophe Nkunku oo ahaa xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa isaguna liiska darajada koowaad soo galay, kaddib markii 34 kulan oo uu u saftay RB Leipzig uu u dhaliyey 20 gool, 13 kalena caawiye ka noqday isaga oo waliba khadka dhexe ka ciyaarayay.
Telefishanka Faransiiska ah ee RMC oo qiimayntan sameeyey, ayaa waxa liiska 24ka xiddig uu meel uga waayey ciyaartoyda ay ka mid yihiin Thomas Muller, Jesper Lindstrom, Dominik Szoboszlai, Piotr Zielinski, Sergio Canales, Dani Parejo, Lucas Ocampos, Nabil Fekir, Dimitri Payet, Lovro Majer, Benjamin Bourigeaud, Angel Di Maria, Teji Savanier, Aleksandr Golovin iyo Renato Sanches.
Halkan kaga bogo 24ka kubbad-sameeye ee ugu wanaagsan ee afarta darajo ee kala sarreeya loo kala qaaday:
Darajada 4aad
Martin Odegaard
Lucas Paqueta
Luis Alberto
Ruslan Malinovskyi
Paulo Dybala
Dani Olmo
Darajada 3aad
Hakan Calhanoglu
Mason Mount
Hakim Ziyech
Bruno Fernandes
Jamal Musiala
Sergej Milinkovic-Savic
Darajada 2aad
Florian Wirtz
Lorenzo Pellegrini
Nicolo Barella
Gavi
Leon Goretzka
Ryan Gravenberch
Darajada 1aad
Luka Modric
Kevin De Bruyne
Pedri
Bernardo Silva
Christopher Nkunku
Phil Foden
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora